Dib-u-dhigistu waa khiyaamo qaran iyo xeelad siyaasadeed, Hargeysana abaari kama jirto (Drs. Hoodo Yuusuf)

Diinwaangelintii dib ayaa loo  dhigay waxay la mid tahay doorashadii dib ayaa loo dhigay. Sidaan wararka ku helay, fikirka  dhib-u-dhigista diiwaangelinta waxa curiyay isbahaysiga  labada Guddoomiye ee reer Hargeysa Faysal iyo Muuse. Waxa taageeray Marwo Aamina-Weris , Odayguna wuu ku duceeyay. Maaha naxariis iyo wanaag ay la rabaan  dadka galbeedka  ku tabaalaysan. Waa xeelad  siyaasadeed iyo khiyaamo qaran,  waxaana u daliila:

1). Dib-u-dhigista  diinwaangelinta waxa hore u  codsaday  gobolka Awdal iyo Selel oo abaar ba’ani ku habsatay. Dheg jalaq looma siin, waxaana ka bilaabmay olole  siyaasadeed oo u  hogaaminyay Guddoomiye Muuse, dadkii tabaalaysnaa ee galbeedka umuu  gayn  quud iyo qaxwi toona, wuxuu ku dhex tuuray colaad iyo xasarad.

  1. Dib-u-dhigista diinwaangelinta waxa  dalbaday GobolkaTogdheer, waxay baaq dheer ku codsadeen in la hakiyo  inta raxmaadku da’aayo, balse dheg jalaq looma siin. diinwaangelintii waxay ku galeen nabad-gelyo tusaale fiicana way u noqdeen Somaliland.
  2. Hawd iyo Saaxil, siiba degmooyina Bulaxaar iyo Baligubadle, waxa ka jiray abaaro iyo biyo la’aan baahsan, sidoo kale labadan gobolna wwaxay codsadeen in diiwangelinta la hakiyo, laakinse  dheg -jalaq looma siin. Guulna way ku dhamaatay.

Hadaba, dadka gobolka Maroodijeex 80%   waa magaalo joog  “ Urban population” , degena Hargeysa. Abaar iyo biyo-laani ma hayso caasimada, mana noqon karto sabab diinwangelinta dib loogu dhigo.

Sidaas daraadeed waxa meesha ku jira waa xeelad siyaasadeed iyo khiyaamo qaran. Waxaana ka danbeeya   isbahaysiga Reer Hargeysa. Waxay naawilayaan in diinwaangelinta Marood-jeex lagu qabto ayado lagu jiro nimco iyo barwaaqo, dadkii guurayna soo guryo noqdeen. Xukuumadda  Axmed Siilaanyo waxa lagu yaqiin Qaraabo-kiil, maantana waxay ku darsatay Gobolo-kiil.

Goboladda la khiyaameeyay way arkayaan, waanay ciqaabi donaan Musharax Muuse , ayagoo og haddii u guulaysto, in uu dhulka hoos marin doono.

Drs Hoodo Yusuf, London, UK

Yhoodo@hotmail.com