Dhismaha baarlamaanka Afqaanistaan oo gantaalo lagu ganay

Xarunta dhismaha baarlamaanka Afqaanistaan oo dhowaan la bineeeyey ayaa waxa gantaalo ku ganay kooxda Daalibaan.

Saraakiisha ammaanka Kaabul ayaa waxay sheegeen in aan cidna waxyeelo ka soo gaadhn gantaaladan lagu ganay xarunta Baarlamaanka.

Weerarka ayaa dhacay wakhti madaxa sirdoonka Afgqaanistaan uu isku diyaarinayey in uu kala hadlo golaha baarlamaanka xaaladda amni ee dalka oo ka sii daraysa.

wasiirka kumeel gaadhka ah ee Arrimaha Gudaha ayaa raalli galin ka bixiyey dhacdadaasi, wuxuuna sheegay in uu soo rogayo talaabooyin cusub oo amniga la xidhiidha.

bandhige@gmail.com