Shir ay isku yimaadeen xukuuamadda, xisbiyada, shir-guddoonka labada gole iyo Komishanka Doorashooyinka oo dib loogu dhigay diwaan-gelinta codbixiyaha iyo Waddani oo ku kala jabay dib-u-dhigista

Kulankan oo ujeedadiisu ahayd sidii loogu damqan lahaa shacbiga Somaliland ee ay soo foodsaartay Abaarta baahsan ee dad iyo duunyaba saamaysay, ayaa lagu gorfeeyey sidii dib loogu dhigi lahaa diwaangelinta codbixiyeyaasha madaama oo xaaladu wakhtigan ku adag tahay, shacbiga la rabo inay is diwaangeliyaan. Waxa uu madaxweynuhu Shir Guddoonka Labada Gole Baarlamaan, Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Saddexda Xisbi Qaran, u akhriyey qodobadan hoos ku xusan oo u dhignaa sidan:

  • Shirkan waxaan idinku yeedhay in aynu ka wada tashanno sidii aan isu waafajin lahayn Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha laga qabanayo Gobollada hadhay iyo gurmadka bini-aadannimo ee inagala gudboon xaaladda abaaraha ka sii daraysa.
  • Waxaan ku hambalyeynaya Guddida Doorashooyinka iyo Axsaabta Qaranka sida ay isaga xil saareen taabba-galinta Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha, waxaana waajib ah in aynu dhammaystirno mashruucan sidii loogu talo galay innagoo midaysan.
  • Waxaan idiin caddaynayaa in ay Madaxweyne ahaan iga go’an tahay in aan dalkan ka suurto-galiyo doorasho xor iyo xalaal ah oo ku qabsoonta xilligii loogu talo galay. Waxaan ka soo horjeeda sabab kasta oo dib u dhig keeni karta.
  • Sidaad la socotaan, xaaladda Abaaraha ee dalku way ka sii daraysa maalinba maalinta ka dambaysa. Sidaa darteed, waxa inaga saaraan masuuliyad Qaran iyo gurmad deg deg ah in aynu ka geysanno. Haddaba, waxa isoo gaadhaya talooyin badan oo farta ku fiiqaya in loo baahan-yahay in wakhti kooban la hakiyo diiwaangalinta si loogu gacan baxo gurmadka abaaraha arrintaa darteed, waxaan jecelahay innaga oo aan is tuhmin in aynu talo wadaag ka yeelanno.
  • Ugu dambayn, maadaama aynu ku jirno marxalad adag, waxaan idinkula dardaarmaya in aynu gees uga soo wada jeedsanno una midawno maslaxadda ummadda, danaha guud ee Qaranka iyo Gurmadka Abaaraha. Ilaahay arrimahaa ha inoo sahlo, abaartana ha inaga jeediyo.. Aamiin..Aamiin

Intaasi ka dib markii shirku soo xidhmay, waxa saxaafada si wada jira ula hadlay Shir-gudoonka labada gole Barlamaan, labada xisbi Qaran oo madaxweynaha ku hambalyeeyey go’aanka geesinimada leh ee uu qaatay iyaguna ay ku raaceen kuna taageersan yihiin wixii shacbiga u dan ah, halka xisbiga Waddani ay u kala jabeen laba garab, oo kala ah Guddoomiye Cirro oo taageeray go’aankii iyo xubnihii isaga la xisbiga ahaa ee shirka ka soo qaybgalayna ay ku gacan saydheen Go’aanka uu taageer Guddoomiye Cirro diideena in aanay la qabin go’aankiisa,

Warkan waxa xaqiijiyey warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyadda kulankaas ka dib. Wali lama sheegin muddada dib loo dhigay diwaangelinta cod-bixiyayaasha oo dhowaan ka bilaabmi lahayd gobolka Maroodi-jeex.

DSC_0002 DSC_0035 DSC_0030 DSC_0003 (1) DSC_0004 (1)

bandhige@gmail.com