Gabon: Ciidamada ammaanku waxay weerareen xarunta mucaaridka

Iska hor imaadyo ka dhashay natiijadii doorashada Gabon ee loogu dhowaaqay in uu jagadda Madaxweynenimada ku guulaystay Cali Bongo ayaa waxa dhalisay in ay taageerayaasha mucaarika oo gadoosani gubaan xarunta Baarlamaanka waddankaas, taasi oo ay ciidanku weerareen xarunta mucaaridka.

Mucaaradka Jean Ping, ayaa sheegay in ugu yaraan laba qof dhinteen dhowr kalena ay ku dhaawacmeen markii ciidamada ammaanka ay galeen xarunta mucaaradka xalay.

Afhayeenka dawladda ayaa sheegay in howlgalka loogu tala galay in lagu helo dadkii masuulka ka ahaa gubista baarlamaanka Arbacadii.

Kormeeraha doorashada ee Midowga Yurub, Sarah Crozier, ayaa xaqiijisay in iska hor imaadyo ay ka dhaceen magaalo madaxda Libreville iyo Port-Gentil.

bandhige@gmail.com