Madaxweyne xaq uma lihid in aad bixiso dhulka Jaamacadda Hargeysa (WQ: Warsame Maxamuud)

Habkii hanti-wadaaga (socialism) ee nidaamki Maxamed Siyaad Bare dawladdiisii ay ku dhaqnayd waxa uu gabi ahaanba burburay dhammaadkii 1980-yadii markii uu dumay midawgii soofiyati. Burburkiisa oo caalamaka oo dhan laga dareemay dhibatooyinka uu ka tagay ee ilaa maanta haysata ummaddo badan wax uu yahay hanti-gaar yeelida (privatization).

Dawladdaha hanti-waadaaga ahi waxa ay dhammaan maamuulaan hanti-da qaranka, dhul, beero, warshado, guriyo iwm, sharci ahaana leedahay dawladdu.

Haddaba marka ay burburaan nidaamyada noocan ah, waxa mashaqo ka timaad sida hantidaa looga dhigi karo mid gaar ah (private) si dhaqaalaha xorta ahi uga fii’idaysto firfircoonida iyo kartida shaqsiga. Su’aashu waxa ay tahay yaa xaq u leh in uu qaato hantidaa ka dhaxaysa umadad? Dawladaha soo maray nidaam ka noocaas ahi wax ay samaystaan siyasado lagu hago hanti-gaaryeelida ( (privatization policy) si aan loo lunsan hantida qaranka.

Haddaan u dhaadhaco dulucda qoraal kayga, Somaliland waxa lagu soo dhaqay habka hanti-wadaaga (socialism) mudo dheer taas oo keentay in hanti badan dawladda gacant u gasho. Maanta waxa nasiib/nasiib-daro ku helay maamulida iyo maaraynta hantidaa xisbiga KULMIYE oo ah gadh-hayeenka dawladda Somaliland. Lakiin iyad oo aan wadanku lahayn nidaam lagu qaybiyo hantida garanka ee la qarameeyay mudo dheer ka hore, Madaxa waynaha Somaliland Mudane Siilaanyo waxa uu hantidaa in badan ku wareejiyay dad aad ugu manaafacsaday dhaqaalaha waddankana uga faa’iideeyay kuwaas oo badankoodu saro dhaadheer oo bilin iyo wax-qabad ba leh waddan ka ku so kordhiyay.

Dhinaca kale Madaxweynuhu waxa uu xoolihii ummadda siiyay in badan oo ka mid ah asxaabtiisa iyo shaqaalihiisa, kuwaas oo hantidii qaranka u badalay guryo iyo tukaano aan manfacoodu badnayn. Ta u weyn ee maanta igu kaliftay in aan qoraalkan gaaban qoro waa marka Madaxweynuhu gaadhay meeshii ugu hoosaysay ee qof hagaan ah uu taabto,  waxa uu bixiyay dhul ay leedahay JAAMACADA HARGEYSA oo baahin weyna ay u qabto.

Waxa aan is waydiiyay runt ahaantii Madaxweynuhu ma nool yahay mise ma noola. Waxa aan leeyahay Madaxweyne hadday Khalad ku dhacday, ibnu aadam ayaynu nahay, hadday badheed tahay waxa aan leehay AWOOD UMA LIHID. Waxa aan ka codsanayaa qof kasta oo lexa-jeclo ka hayso dalkan iyo goobaha waxbarasho in uu muujiyo diidmadiisa arrintan.

Waxa qoray Warsame Maxamuud