Sacuudiga waxa uu sharci cusub u soo saaray Imaamyada Masaajidada

Wasaarada Arrimaha Diinta ee Sacuudiga ayaa amar ku siisay boqol kun oo imaamyo in ay iska ilaaliyaan siyaasada iyo arrimaha mad-habta diimaha khudbadooda iyo in ay xooga saaraan oo kaliya diinta.

Waxay si gooni ah uga digeen in la inkaaro dad ama waddamo waqtiga salaada.

Waxa caado ah in imaamyada ay inkaaraan Israa’iil iyo dadka aan muslinka ahayn waqtiga salaada Jimcaha .

Wasaarada ayaa sidoo kale sheegtay in lacag aan laga ururin karin masaajidka guddohooda.

Arrintan ayaa waxay noqonaysaa in uu Sucuudiga doonayo in ay waddaadada masaajidadu ku ekaadaan arrimaha diinta oo aanay ku milmin arrimaha siyaasadda.

bandhige@gmail.com