Xildhibaanada golaha wakiilada iyo guurtida ee gobolka Awdal oo meel adag iska taagay lixda goobood ee dhawaan ay sheegtay xukuumadu in diiwaan galin laga bilaabayo

Shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen magaalada Boorama xubno ka mid ah golayaasha wakiilada iyo guurtida ee S/land kaga jira gobolka Awdal waxaanay kaga hadleen sida ay u arkaan lixda goobood ee ay dhawaan ku dhawaaqday wasaarada arimaha gudaha, waxaanay aad uga soo hor jeesteen in haba yaraatee wax diiwaan galin ah meelahaas hada laga qabto, waxaanay ku tilmaameen mid sharciyada iyo dasturkaba baal marsan.

waxaanay xukuumada ugu baaqeen in ay dib uga laabato diiwaan galintaas oo aanay dadka u horseedaan dildilaac S/land sida ay hadalka u dhigeen, waxa ay xildhibaanada qaarkood si cad oo badheedh ah u warareen gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ahana Musharaxa xisbigaas Muuse Biixi Cabdi.

shirkan jaraa’id waxa ay qabteen ka dib markii ay kulan dheer ay xildhibaanadu la yeesheen hogaanka dhaqanka ee gobolka.

Halkan ka daawo muuqaalka shirkaas xildhibaanada

https://www.youtube.com/watch?v=ZpPj0q237v4&feature=youtu.be

 

Xasan Ciise- Boorama