Garyaqaan Maxamed Xaaji Maxamuud Xirsi Carwo “Guray” oo ka mid ah dhalinyarada Aqoonyahanka baratay cilmiga sharciga, oo dhawaan si rasmi dhowaaqay in uu u taagan yahay tartanka Doorashada Golaha Wakiillada Somaliland ee ku muddeysan in ay dalka ka dhacdo horaanta sannadka soo socda 2017.
Garyaqaan Maxamed ayaa dadweynaha gobolka Maroodi-jeex ugu baaqay in ay si dhammaystiran ugu soo baxaan diiwaangelinta Codbixiyaha oo maanta oo Sabti ah si rasmi ah uga bilaabantay Gobolka.
Garyaqaan Guray oo ah Murashaxiinta tartanka Doorashada Golaha Wakiillada Somaliland ayaa si gaar ah ugu tartami doonaa mudaneyaasha Golaha Wakiillada u meteli doona Gobolka Maroodijeex.
Doorashada Golaha Wakiillada Somaliland oo ay la socoto doorashada Madaxtooyadda, ayaa loo muddeeyey in ay dalka ka qabsoonto sannadka dambe waxaana muddooyinkii u dambeeyey soo kordhayey dhallinyaro iyo Aqoonyahan rag iyo haweenba leh oo shaaciyey hankooda murashaxnimo.
Garyaqaan Guray ayaa markii uu isasoo dinwaangeliyay Warbaahinta kula hadlay afaafka hore ee Xarunta Hayadda Shaqaalah waxaanu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu maanta is diinwaangeliyo .
Sidoo kale Garyaqaan Guray ayaa dadweynaha gobolka Maroodi-jeex ugu baaqay in ay si dhammaystiran ugu soo baxaan diiwaangelinta Codbixiyaha.
Garyaqaan Guray ayaa carrabka ku adkeeyay muhimadda ay Dinwaangelintu u leedahay dhismaha Dawladnimo, isagoo ka digay qabyaaladda oo uu sheegay in ay tahay wax xun oo dib u dhac keenta , dawladnimada khatar ku ah .
Diwaangelinta codbixiyayaasha ayaa waxay saaka si rasmi ah uga bilaabmatay guud ahaanba gobolka Maroodi-jeex.