Weftigii uu hoggaaminayey Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye ahna murrashaxa Madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa la kulmeen wasiirka Arrimaha Dibedda Kiiniya Aamina Maxamed.
Xisbiga Kulmiye ayaa waxa uu ka soo saaray kulanka weftigan iy wasiirka Arrimaha Dibedda Kiiniya Aamina Maxamed, war-saxaafadeedkaasina waxa u qornaa sidan:
War-saxaafadeed
Weftigii Somaliland ee ay xubnaha ka ahaayeen Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ee maalmahanba socdaalka shaqo ku joogay magaalada Nayroobi, ayaa la kulmay Wasiirka Khaarajiga dalka Kiiniya Aamina Maxamed.
Kulanka dhexmaray Wasiirka Arrimaha Dibedda Kiiniya Aamina Maxamed iyo weftiga Somaliland ee Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi, Wasiirka Khaarajiga Dr. Sacad Cali Shire iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Kenya Cabdillaahi Cabdi Cali oo ku wehelinayey oo wadahadalkiisu qaatay muddo saacado ah, waxa labada dhinac ku falanqeeyeen arrimo kala duwan oo ku saabsan xidhiidhka labada waddan iyo shacabkooda, qaddiyadda madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland iyo arrmo kale.
Qodobada ugu muhiimsan ee weftiga Somaliland iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya ka wadahadleen waxa ka mid ahaa;
- In kor loo sii qaado xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Kenya.
- In xafiiska Jamhuuriyadda Somaliland ku leedahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya kor loo qaado darajadiisa dublomaasiyadeed, iyadoo arrintaasi ay si buuxda u ogolaatay dawladda Kenya.
- In dawladda Kenya si rasmi ah xafiis uga furato caasimadda Somaliland ee Hargeysa si kor loogu qaado xidhiidhka, isu-socodka dadka iyo xoojinta ganacsiga u dhexeeya labada dal.
- Masuuliyiinta Somaliland waxay kala hadleen dawladda Kenya inay ku taageerto Jamhuuriyadda Somaliland qaddiyadeeda gooni-isutaagga iyo aqoonsi ay beesha caalamka ka hesho.
- Weftiga Somaliland waxay waydiisteen dawladda Kenya inay deeqo waxbarasho siiso ardayda Somaliland.
- Waxa kaloo labada dhinac ka wadahadleen sidii labada dal u wadaagi lahaayeen wixii waayo-aragnimo iyo khibrad ah ee ay is dheeryihiin, gaar ahaan dhinacyada Somaliland danaynayso ee ganacsiga, nidaamka bangiyada caalamiga ah si ay ugu fududaato maalgashiga iyo ganacsiga shisheeye iyo kor-u-qaadida wax-soo-saarka beeraha.
- Ugu dambayntii, Wasiir Aamina waxay ka ogolaatay masuuliyiinta Somaliland in dawladda Kenya wefti sare u soo dirto caasimadda Hargeysa si ay uga qaybgalaan xuska sannad-guurada 25-aad ee maalinta Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May 2016.
Guud ahaan kulankaasi waxa uu ku soo gabogaboobay jawi farxad iyo walaaltinimo huwan.
ALLAA MAHAD LEH.
ย Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi)
_________________________________
Af-hayeenka Xisbiga KULMIYE
Email: kulmiyemanager@gmail.com
Telephone: +25263 4026659, +25263 4426677,
Shaโab Area, Hargeisa, Somaliland Republic.