Giriiga: Doon siday muhaajiriin ayaa waxay ku degtay jasiiradda Crete

Jasiiradda Crete ee ku taalla Giriiga ayaa waxa socda samata-bixinta doon siday muhaajiriin gaadhaya ilaa boqolaal.

Ilaalada xeebaha Giriigga, ayaa sheegay in tiro ka badan saddex boqol oo ruux oo la soo badbaadiyay ilaa hadda, iyadoo la soo saaray meydka saddex ruux.

Wakiilka ururka caalamiga Muhaajiriinta Daniel Esdras, ayaa warbaahinta u sheegay in doonta oo 25 mitir aheyd ay qaadi kartay 700 oo ruux.

Maraakiibta ilaalada xeebaha, diyaarado iyo helikobatoro, ayaa howlgalka qeyb ka ahaa oo boqol kiilomitir xeebta ka fog. Ilaa hadda dhowr muhaajiriin ah, ayaa soo gaadhay Crete ku taal waqooyiga Libiya iyo Masar.

Muddooyinkan dambe ayaa waxa soo badanaya doomaha la gedoomay muhaajiriinta kuwaas oo ay dad badan oo muhaajiriinta ahi ku dhinteen.

bandhige@gmail.com