Ururka Qareenadda Somaliland waxay doorteen hoggaan cusub

Shirweynihii afraad ee ururka Qareenada Somaliland oo labadii maalmood ee udembeeyey ka socday  Magaalada Hargeysa gaar ahaana Huteelka Maansoor ayaa, shalay  lagu  doortay Xubnaha hoggaamin doona ururkaasi muddada labada sanno ee socda iyadoo loo doortey Gudoomiyaha Ururka Qareenada Garyaqaan Maxamed Maxamuud Xaashi “Timo” oo hore u ahaa Xoghayihii ururkaasi halka Guddoomiye-ku-xigeenkana loo doortey Garyaqaan Cabdi-naasir Yuusuf Cabdilaahi, islamarkaana Xoghayaha ururka loo doortey Jamaal Xuseen Axmed Ducaalle, Waxa kale oo Shirweynahan lagu doortey Xubnaha Golaha Dhexe ee Ururka Qareenada Somaliland Solla.

Waxa Kale oo Shirweynahan Afraad ee Ururka Qareenada Somaliland ee Solla goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Somaliland, Wasiirka Cadaalada iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Waliba ururada Bulshada Rayidka ah iyo garsooyaal tira badan iyo Xubno dhinaca Cadaalada ah oo Madaxbanaan.

bandhige@gmail.com