Golaha Ammaanka oo ka shiraya qalalaasaha sii kordhaya ee u dhaxeeya Falastiin iyo Israa’iil

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta 3.00-da galabnimo lagu wadaa in ay falanqeeyaan qulqulatooyinka ka socda Quddus ee u dhaxeeya Falastiiniyiinta iyo Yuhuudda kuwaas oo muddo laba todobaad gudahood ah galaaftay nolosha 39 qof oo 32 ka mid ahi Falastiiniyiin yihiin 7-da kalena Yuhuud yihiin.

Rabshadahan ayaa bilaabmay kadib markii koox xagjir ah oo Yuhuud ahi ay galeen masaajidka saddexaad ee ugu barakaysan Muslimiinta, Al-Aqsa.

Diblomaasi ka cudurdaartay in magaciisa la sheego ayaa tibaaxay in aan galabta qaraar ka soo bixi doonin Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay laakiin ay u badan tahay in la soo saari doono baaq labada dhinac loogu jeedinayo in ay is xakameeyaan rabshaddana joojiyaan.

Xukuumadda Yuhuudda ayaa maalmihii ugu dambeeyey waxay ciidamo dhoobtay Daanta Bari ee Quddus,waxayna xaafadaha ku kala xidhxidhay isbaarooyin si aanay isugu gudbin. Tallaabadan ayaa xukuumadda Israa’iil ku macnaysay in ay kaga hor tagayso mawjado weerraro ah oo ka imanaya dhinaca Falastiiniyiinta iyadoo toddoba Yuhuud ah toorey qudha lagaga jaray.

Xukuumadda Israa’iil waxay sheegtay in qoysaska ay ka soo jeedaan kuwa wax tooriyeynayaa lagala noqon doono warqadda ay ku deggan yihiin Quddus.

Falastiiniyiinta Qudus deggan ayaan lahayn degenaansho ay bixiso xukuumadda Falastiin, laakiin waxa ay ku deggan yihiin warqad degenaansho oo ay bixiso xukuumadda Israa’iil taas oo haddii lagala noqdo ay dibad-meer noqon doonaan.

Ururrada u dooda xuquuqda aadamaha ayaa sida fiinta uga qayliyey tallaabooyinka adag ee ay Israa’iil ku waajahday rabshadahan, waxaanay ku baaqeen in laga hor tago dadka Falastiiniyiinta ah oo mar kale la qixiyo.

Bandhige@gmail.com