Kiiniya: Macallimad kooxda Al-shabaab afduubtay oo la badbaadiyey

Judy Mutua oo ahayd macallimad ayaa todobaadkii hore laga afduubay xerada qaxoontiga Dhadhaab iyadoo saarnay gaadhi ku socday mid ka mid ah xaafadaha xeradaas.

Sida ay sheegtay wasaaradda Difaaca Kiiniya waxa macallimadan afduubay kooxda Al-shabaab oo laga soo badbaadiyey gudaha waddanka Soomaaliya, ka dib markii ay iskaashadeen ciidamada Soomaaliya iyo Kiiniya.

Mutua ayaa haatan waxa la geeyey saldhiga ciidamada Kiiniya ee ku yaala Dhoobley. Iyadoo lagu wado maanta in loo duuliyo dhinacaa iyo magaalada Nayroobi.

Dhankale kooxda Al-shabaab ayaa beeniyey afduubka gabadhan iyo in ay wax weerar ah iskaga horyimaadeen ciidamada Kiiniya iyo Soomaaliya.

bandhige@gmail.com