Guddida Waxbarashada Qaranka,ayaa la wadaagay xubnaha ajandaha shirka oo ahaa

Guddida Waxbarashada Qaranka oo uu Shir-guddoominayey Gudoomiyaha Guddida Prof. Saleebaan Axmed Guuleed, isla markaana ay ka soo qaybgaleen guddidda iyo wasiirku xigeenka waxbaradhada, agaasimaha guud, guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka iyo guddoomiyayaasha Jaamacadaha Camuud iyo Hargeysa iyo agaasimaha Waxbarashada Tooska.

Gudoomiyaha Guddida Waxbarashada Qaranka, ayaa la wadaagay xubnaha ajandaha shirka oo ahaa horumarinta iyo tayaynta imtixaanka fasalada 8aad ee dugsiyada dhexe iyo fasalada 12aad ee dugsiyada sare.

Intii kulanku socday waxaa si qoto dheer looga dooday horumarinta iyo tayaynta imtixaanka, iyadoo la xusay muhiimada ay leedahay in ay qayb ka noqdaan jaamacadaha dalku tayaynta Imtixaanaadka.

Hadaba gunaanadkii kulanka waxaa laysla qaatay qodobadan:

1. In la sii wado kulamada lagu lafo-gurayo horumarinta Imtixaanadka shahaadiga ah ee fasalada 8aad ee dugsiyada dhexe iyo 12aad ee dugsiyada sare.

2. In Jaamacadaha dalku qayb ka noqdaan horumarinta iyo tayaynta Imtixaanaadka.