Guud ahaanba waxa Gobolka Maroodijeex maanta si rasmi ah uga bilaabmay Diinwaangalitna Codbixiyayaasha .
Guddoomiyaha UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo ay wehelinayeen qaar ka mid ah saraakiisha sare ee Xisbiga UCID ayaa waxa ay iska soo diinwaangaliyeen Xarunta Shaqaalaha Dawladda.
Guddoomiyaha ayaa markii uu isasoo diinwaangaliyay warbaahinta Kula hadlay afaafka hore ee Xarunta ayaa waxa uu sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in uu maanta is diinwaangaliyo.
Sidoo kale Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in hakintii ay hakiyeen Dinwaangalina ay keentay in Raxmaadkii roobku inoo daโo.
Guddoomiyaha ayaa carrabka ku adkeeyay muhimadda ay Diinwaangalintu u leedahay dhismaha Dawladnimo, isagoo ka digay qabyaaladda oo uu sheegay in ay tahay wax xun oo dib u dhac keena, dawladnimada khatar ku ah.
Ugu danbeyntii warbaahinta oo wax ka waydiisay saadaasha uu ka bixinayo doorashada iyo rajada UCID, ayaa waxaa uu Gudoomiyuhu sheegay in sannadkani yahay sannadkii UCID talada dalka qaban lahaa.