Muxiyadiin Cabdiraxmaan Cali oo ku dhowaaqay in uu yahay musharax doorashada golaha wakiilada ayaa ugu baaqay bulshada gobolka Maroodi-jeex in ay isdiwaangeliyaan

Muxiyadiin Cabdiraxmaan Cali oo taagan musharax doorashada golaha wakiilada ayaa ugu baaqay bulshada ku dhaqan gobolka Maroodi-jeex in ay isdiwaangeliyaan doorashada ku soo foodleh waddanka.

War-saxaafadeed uu soo saaray Muxiyadiin Cabdiraxmaan Cali waxa uu dhignaa sidan:

War-saxafadeed.

Asalamu Calaykum

Sidaynu lawada socono waxa maanta oo Sabti ah oo ay bishu ku beegan tahay April, 30 ka bilaabantay Gobolka Maroodi-jeex diwaangelinta codbixiyaha doorashooyinka inagu soo fool leh haddii eebe inagu simo ee qabsoomi doonta 2017.

Haddaba inaga oo ka dharagsan baahida loo qabo in uu yimaado isbedel horseedi kara horumar iyo caadalad waxaan bulshadaย  khaas ahaan dhalinyarta ku gububinaya in ay isdiwaan galiyaan.

Haddii ay isdiwaangaliyaan waxay awood u leeyihin in ay doortaan Madaxwaynaha amaย  xildhibaanada ay uu arkaan in ay dalkan u horseedi karaan horumar iyo caadalad, waxaan dhallinyarada ku gubaabinaya wakhtiga doorashada in ay sameeyaan doorasho wanagsan marka ay qofka dooranayaan iyaga oo eegaya himiladooda fog.

Waayo aragnimo inagu filan waynu haysanaa waxaynu soo aragnayย  doorashadii golaha Deegaanka taaso inta badan laysku dooranayay qaaba’iil, midhihii taasna maanta waynu guranay oo dhadhaminay.ย  Waxaynu gaadhnay xiligii la qiimaynayay qofka waxaynu ka gudubnay xiligi duuduubka lagu qaadan jiray.

Sii aynu u helno isbedel togan oo waxtar ummamda u leh waa in aynu isdiwaangalinaa doorana qofka dalka iyo dadkaba dan u ah.

ย 

ALLA MAHAD LEH

Musharaxa Golaha Wakilada JSL

Gobolka Maroodi Jeex.

Muxiyadiin Cabdiraxmaan Cali

XISBIGA ย UCID