Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Guddomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi โCirroโ iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminaayey oo maalmahii ugu dambeeyey socdaal ku joogay gobolka Sanaag, ayaa khudbad taariikhi ah oo dhinacyo badan taabanaysa u jeediyey boqolaal ka mid ah dadweynaha Ceerigaabo .
Khudbaddan oo uu guddoomiyahu ka jeediyey barxadda Khayriyadda ee magaaladdaasi, ayaa waxa ku wehelinaayey masโuuliyiin ka tirsan xisbiga Waddani, Siyaasiyiin, xildhibbaano, madaxdhaqameed, taageerayaasha xisbiga iyo boqolaal ka mid ah shacabka magaaladdaasi, waxaana ugu horreyn guddoomiyaha oo ku lebisan dharka hidaha iyo dhaqanka ah ee u gaar ka ah shacabka magaalada Ceerigaabo, iyada oo socod lug ah uu ku yimi barxadda looggu tallo-galay in khudbadda guddoomiyaha.
Qaar ka mid ah taageerayaasha kuย ย dhaqan magaalada Ceerigaabo oo ugu horreyn halkaas ka hadlay ayaa cod dheer ku muujiyey in ay si weyn u taageersan yihiin xisbiga Waddani.
Xildhibbaan Rayte, Siyaasi Maxamed Nuur Carraale Duur, Hinda Jaamac Gaani, Xildhibbaan Maxamed Saalax, Cabdillaahi Daamur, Jamaal Xaamud, siyaasi Karash, boqor Faysal, Suldaan Daakir iyo Masโuuliyiin kale oo aad u tira badan, ku waasi oo dhammaantood ba ku dheeraaday ahmiyadda ballaadhan ee xisbiga Waddani uu siinaayo guud ahaan gobalka Sanaag, iyaga oo tilmaamay in xisbiga Waddani uu diyaar u yahay in uu dib u dhiso guud ahaan kaabeyaasha dhaqaalaha, waxna ka qabto baahiyaha kala duwan ee gobalka ka jira.
Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi โCirroโ oo ugu dambeyntii isna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in uu aad ugu mahadcelinaayo shacabka gobalka Sanaag siddii ballaadhneyd ee ay u soo dhaweeyeen, waxaana uu tilmaamay in soo dhaweyntii shacabka gobalka Sanaag ay ka turjumaysay rabitaanka shacbi ee gobalka Sanaag.
Shacabka degmada Ceerigaabo aad iyo aad ayaan ugu mahad-naqayaa, waxaana aan uga mahad-naqayaa soo dhaweynta aan hore loo arag ee aad soo dhaweyseen weftigii SAMA-WADEย ย Sanaag, walaaleyaal dadka orda midba rikoodh buu dhigaa, deedna marka uu mid dhigo rikoodh cusub, waxa la yidhaahdaa hebel rikoodhkii buu jabiyey.
Marka Sanaag soo dhaweynahii Somaliland oo dhan bay jabisay rikoodhkoodii, aad iyo aad baanu idiin ka mahadnaqeynaa, waxaana aan idin sheegayaa in aanay taasi ahayn soo dhaweyn, waxa ay ahayd dareenka shacabka oo aad ka turjunteen halka aad taagan tihiin, waxa aad muujiseen in gobalka aad diyaar u tihiin in isbedel ka dhaco Somaliland, isbedel nabaddeed, isbedel nololeed iyo isbedel dimuqraadiyaddeed na, aad iyo aad baana aan idiin ku mahad naqayaa.