Qaarada cagaaran iyo xidhiid-ka cusub ee dunida horumartay (WQ: Xasan Cabdi Shire)

  1. Araar

Qaarada cagaaran ee indhaha dunidu soo jiidatayay gaar ahaan ilaha dhaqaalaha  ee wadamada reer galbeedka iyo wadamada koraaya taasoo  badan koodu u arkaan inaay tahay halka aay ku bad-baadi karaan mustaqbalka wax soo saarkooda (industrial production) iyo nolosha jiilasha soo koraaya, aragtidan caaynkan ahi waxaay korisay loolanka iyo faragalinta dunidu ku hayso Afrika siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba, faragalintaasi waxaay u muuqata in gumeeysiga maskaxda iyo caqligu ee lagu beeraayoo dadka afrikaanka ahi kusii koraayo gudaha qaaradan cagaaran (Afrika), sidoo kale lagu tolaayo hoggaamiyayaal la aragti ah hiraalka waddamada ku loolamaya qaarkood, soo jeedintan iyo aaminaada fikradaay-daasi waxa caddeeyn iyo tixraac u ah  sida inta badan aay reer galbeedka iyo waddamada kale u daneeyaan hoggaamiyaha loo dooranaayo waddan ka mid qaarada cagaaran ee Afrika.

Si kale hadaan u dhigo hogaamiya-yaasha Afrika qaarkood waxa lagu ilaaliya inaay weligood maamulaan waddan kooda, halka qaar kale lagu khasbo inaay  waddanka doorasho u qabtaan, doodaaydu waxaay tahay hadba waa sida aad u fududeeyso ama u fahanto  danaha waddamada horumarka raadinaya ama hore u horumaray, labo midkood ayaad noqon “qunyar socod ama hoggaamiye ad-adag oo dunidu fahmi  waaya danaheeda”. Dib u jaleec waayihihii Afrika iyo taariikhdii madoobaayd ee ay soo mareen tan iyo muddadii uu gumeystuhu maamulayay si toos ah (shalay) iyo si qarsoon (maanta).

  • Xog iyo warbixin ku saabsan habsankii gudbay Afrika

Afrika waxay ka gaabisay  in ay dunida wax la qayb-sato ama horumar ka gaadho dhinacyada cir-bixinta, dhaqaalaha, siyaasadda togan, awoodda militaragi iyo dhanka bulshada, habsan-kaas iyo hagar-daamadaas waxa kow ka ahaa,  wax soo saar la’aantii khayraadka dihin ee Afrika hodonka ku tuhay (unmet resource demand) sida: dahabka, dhaaymanka, shidaalka iyo madcano kale,  waana sababta keentay in cidkasta noqoto sabool dhugta oo kali hoggaamin iyo siyaasadda aan lahaayn ku dayashadii wanaagsanaayd.

Afrika in ay sabool noqoto waxa loo adeegsaday in la aqoomaayn kari waayo ciidamdii hubka siday ee Afrika ka jiray ka dib banaanayntii iyo guuristii gumaystaha, waxa badankoodu ku kaceen awoodo maamul iyo dilal badan oo madaxdii rayidka ahayd loo gaystay sannadihii 1958-2000, waxa meesha ka baxday hoggaamintii tolmoomayn, waxa soo kala dhexgalay is-aaminad la’aan u dhexeysa madax-dooda  iyo shacabka, waxa soo food saaray dagaalo sokeeye iyo colaado dhammaan waayay siina jiitamay muddo dheer, waa sababta iyo tixraaca  in dadka afrikaanka ahi gaajo ugu dhintaan qaaraddooda dihin, sidoo kale xorriyad u waayaan in ay doortaan hoggaamiye maamuli kara sidoo kale  ku shaqeeya baahida iyo danta qaranka, dhibta intaa le’eg iyo qodxaha caynkaas ah waxa ka tagay gumeystihii Afrika haleelay dhammaadkii qarnigii 18aad ee u ahaa Afrika qarnigii mugdiga halka Yurubna u ahaa sannadihii guusha iyo horumarka dhaqaalaha.

Gumeystihii Yurub ka soo boobka tegay ee ku faafay Afrika badankoodu waxay bili-liqeeysteen xoogaa ka mid ah khayraadkaas, waxayna gaagixiyeen dihnaantii qaaradaas, intii ka dambaysay waxa Afrika si’aan wanaagsanaayn loo isticmaalay qaybo kooban oo khayraadkaas ka mid ah, sida Naayjeeriya oo shidaalkeeda lagu iibiyo suuqyada dunida isagoo weli  qay-dhiin ah (raw material), halka waddamada Congo, Musan-biik iyo Sinigal laga raro dahab badan, dheeman iyo shidaal kooban qaydhiin,  khaayraad kaas waxa  lagu gattaa qiime aan ahaayn kii dunidu wax ku kala iibsan jirtay. Aduunka korodh baa ku socda dhinacyada dadk, dadka  aduunka ku dhaqan tiradoodu waxay kala bar ku sii darsami doontaa sannadka 2050-ka Hadii ALLE idmo, iyadoo la saadalinayey in dadka dunida ku dhaqan ay gaadhi doonaan 10 bilyan oo qof.

  1. Boobka qarsoon ee Afrika iyo reer galbeedka (depedancy theory).

In Afrika si aan muuqan loo duugto lana gurto khaayraad keeda  waxaa horseed ka ah baahida dunidu u qabto waqtigan xatooyo dad kale iyo siyaasad xumida Afrika ee aan lahaayn ku talagal odoroskaas.  Wadamadii iyo qaaradihii sida wanaagsan u lulay khaayraad koodii dabiiciga ahaa badan kooda   waxaa soo wajahdaay caqabad ah   yaraanshiyo dhanka khayraadka (resource scarcity), arinkaasi dunida waxa uu ku noqday bir dhuun gashay, yarida khaayraadka dundidy waxa uu sanadihii la soo dhaafay kordhiyay dagaalada dunida ka dhacaya iyo kuwa is-abaabulka ku jira, olol-kaas dunida dabka ka shiday waxa uu si toos ah uga baxaya dhul-badan oo khaayraad lahaan jiary sida: Ciraaq, Suuriya, Liibiya iyo kuwa hadeer lagu gool leeyahay.  Hadda ayaa mar kale dib loo gaadhay in loo baahdo khaayraadka dabiiciga ah ee Afrika buuxiyay dad keenu ka tahriibayaan,  halka wadamada Yurub dib ugu soo tahriibayaan qaarada cagaaran, Gumeeeystihii kuma filaan kaaydkii hore, waxaase aay tustay inaan Afrikaanku soo toosayn qarniyadan.

  1. Afika iyo Dunida horumartay (ujeedka booqooshooyinka cusub)

China iyi Afrika, Maraaykanka iyo Afrika, Iiraan iyo Afrika, Israil iyo Afrika, Turkiga iyo Afrika, waxaa dhamaan xidhiidhidada caaynkaas ah sababay  waa tartanka khayraadka afrika. Markale ayaa dunidu u muuqatay inaay sabool ka noqdaan dhanka horumarka sababo aay ka mid tahay yaraanta khayraadka ee dunida soo wajahday iyo dhaqaalo bur-burka hadheeyay qaarada Yurub, marka laga reego Afrika oo weli dihin caalamka intiisa kale waxaa laga cabsi qabaa in uu noqdo dhul ka engegan shidaalka iyo dahabka kale, sidaas ayaa Afrika markale ugu muuqanaysa inaay tahay qaarada mustaqbalka ee loo soo haajiro ama loo rarto khaayraadkeeda. Guusha Afrika ee qarnigan waxa go’aamin kara hogaamiyayaasha qarnigan 20aad oo kali ah .

Doorarka muhiimka ee  qaaradani inaay ka fa’’iideeysataa tahay waa  wejigan labaad ee dunidu soo food-saaray, hogaamiyayaasha Qaaradani waa inaay si wanaagsan uga iibisayaan/bedeshaan khayraad kooda dhamaan  tartamayaasha  Afrika ku soo qul-qulaya, Afika hore ayaay uga habsaan tahay wejigii soo saaarashada macadanaha iyo khaayraadka, hadda waxa taagan waqtigii  wadamada horumaray aay qabeen baahida, waxaay adegsanayaan siyaasad la dhaho isku tiirsanaan (depadency Theory) kuna salaaysan Reeg galbeedku waxaay  hayaan qalabkii, khibradii iyo aqoontii, Afrika waxaay haysaa dhulkii dihnaa “aan ku soo saaro, badh qaado badhka kalena aan qaato”, waddanka Afrika ah ee damacsan inaay la yimaadaan wax soo saarkii iyo isticmaalkii khaayraadkooda, waxaan u arkaa in hadda uu yahay waqti  habsan ku ah talaabadaas, sababta aan sidaas u leeyahay waxa weeyaan dunidii ayaan ina sugayn inaan wax soo saar la nimaado madaama aay deg-deg ugu baahan yihiin khaayraadkan.

Su’aasha ugu waayni waxa weeyaan:  weliga ma is-waaydiisay sababta wadamada ku yaala bariga Afrika iyo badh-tamaha aay  daawladuhu waaweeyni  uga bilaabaan safarkooda Tusaale ahaan China waxa uu ka bilaabay Sinigaal, Itoobiya, halka Turkigu ka bilaabay Uganda, Kenya iyo Somaaliya, Iiraan Jabuuti iyo Itoobiya, Israail Ugandha, iyo qaar kale, Afrika waxa ugu dhaqaale sareeya Sout Afrika waa  maxay sababta looga bilaabi waayay  South Africa, Naigeria iyo qaar badan oo ku yaala galbeedka Afrika? Ku darsoo    marka madaxda wadamadaasi imanayaan Afrika waxaay u kala saaraan safarkooda inaay u socdaan Afrika  lagana yaabo inaay booqdaan sadex waddan oo kali ah, Tusaale ahaan Madaxweeyne Obaama markuu booqanayay Ghana doorkii hore ee la doortay waxaa lagu magacaabay Obaama oo Afrika booqanaya, sidoo kale markii uu itoobiya iyo Keenya booqanaayay si la mid ah baay ahaayd.  Jawaabtu waa fudududahay kamana duwana sababaha aan kor kusoo xusnay, waxaase ugu muhiimsan qodobadan:

  • Bariga iyo badhtamaha Afrika waa wadamo aad u dihin oo aan lagu sameeyn macdan qodis iyo shidaal soo saaris toona.
  • Waa wadamo aad ugu dhow badaha ugu dhaadheer dhanka Afrika
  • Afrikada dhexe iyo dhanka bariga waxa ku yaala wadamo  aay ku badan tahay   dhanka dahabka iyo dheemanta marka lagu darro khaayraadka kale ee ka jira sida fool maroodiga
  • siyaasaddu waa hablaawha koowaad ee lagu hiranaayo sida xaurnta Afrikaan Union oo ku taala Adis-ababa ama doonista iyo ku xidhnaant dhanka carabtu tasoo aay isha ku hayeen reer Yurub iyo reer Galbeedka, kamana duwana fahan la’aanta laga haaysto buun-buuninta wabiga Niilka oo u dhigma wabiyo kale oo dunida mara.

Ugu dambaayn shidaalka iyo Dahabka ayaa ah muhiimada koowaad ee dunidu ku loolamayso sababahan jira awgood:

  • Dahabka

Waxaa dunida hore u ahaan jiray miqyaaska wax kala bedelashasa dahabka oo ah shaayga leh qiima gudeed aan is-bedelin (internal value), laguna cabir qaato shaayada kale oo dhan (standard of exchange) halka lacagtu tahay wax lagu heshiiyay (common sense law), sidaas ayaa dunida kaay-keeda koowaad ahaan jiray Dahab.

1971- ayaa dunida waxa ka dhacay dhaqaale bur-bur (financial crisis) uu sabababay  suuqyada waxa kala bedelashada iyo iibka lacagaha (financial market), waddanka maraykanka  oo ah daawlad dhaqaale fiican lahaayd ayaa dunida ka saartay halbeegii waxa kala bedelashada oo ahaa dahab (Gold), halka bedelkiisa aay ka dhigtay doolar lacagta maraaykan ka. Arinkaasi waxaa dunida tartan markale galiyay siyaasadda lagu raadsanaayoo in la helo dahab badan, waana sababa Afrika hadda loogu soo qamaamayo.

Shidaaalku  waa halbaawlaha iyo taayirada dhaqaalaha dunida ee maanta jira, sameeysankii dunidu heshay shidaalka waxaay kusoo kordhisay maadada la yiraahdo International Political Economy, waxaa shidaalku dunida waxa ka bedelay hanaankii dibloomaasiyadeed ee u dhaxeeyay carabta iyo reer galbeedka, waxaa uu hal-boowle u yahay talaabo kasta oo hore loogu qaado dhanka horumarka.

  1. Gebo-gebo.

Afrika waxaay u baahan tahay hogaamiyayaal la jaan-qaadi kara waqtigan iyo siyaasadan dunida soo wajahday, waxaa hore Afrika ugu guul daraaystay inaay hub ka dhigis ku sameeyso ciidamadeeda kasoo sameeysay jabhadaha u soo dagaalamay waddanka ha ahaato gumeeyste ama si kaleba, dhamaan ciidamadaasi oo  weli qalabaaysan waa sababta keentay in weli afrika aay ka jirto  inqilaab, halka dunidu isku haaysato afar sano ayaad maamulaysaa iyo sideed sanno ayaan maamulayaa.

Afrika uma baahnaa tacab badan oo dhanka horumarka iyo fikiro muddo loo soo jeedoo, waxaayse u baahan tahay oo kali ah inaay soo miin-guuriso buugta iyo wax-soo-saarka ka jira qaaradaha kale ee dunida ku horumary ka fa’iideeysiga khaayraad-kooda, Afrika iyo dad keedu aan ka mid ahay,  haddii aay  si wanaagsan u miin-guuiriyaan/koobi gareeyaan waxaay gaadhi karaan  horumar balaadhan, lakiin xasuus-taas waxaa afrika kaga waayn hay-sa-shada kursiga iyo jeclaaysiga danaha gaarka ah. Marka kale iyo Afrikadii la gurtay.