Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyadu waxay ugu gudbisay dacwad ka dhan ah waddamada Yugaandha iyo Jabuuti golaha Ammaanka

Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyada ayaa waxay shalay shaacisay in ay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay u gudbisay dacwad ka dhan ah waddamada Jabuuti iyo Yugaandha taasi ku saabsan qabashada Madaxweynaha Suudaan Cuamar Xasan A-Bashiir oo booqasho ku tagay waddamadaas oo ay fulin waayeen waaran qabashada Maxkamadda Caalamiga ah ee dembiyada.

Cumar Xasan Al-bashiir ayaa waxa uu labadan waddan ka soo qayb galay xaflada caalame saarka labada Madaxweyne oo sannadkan ku guulaystay doorashooyinka ka dhacay waddamadooda.

Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyada ayaa waxay raad goobaysaa Madaxweyne Suudaan oo ku eedeeyeen in uu gaystay dambiyo dagaal.

Maxkamadda Caalamiga ee dambiyada ayaa dhammaysay baadhista dacwadan ka dhanka ah Al-Bashiir ee dambiyada dagaalka. Ka dibna soo saartay waaran caalami ah oo lagu xidhayo Al-Bashiir 2009, kaas oo aan wali aan fulin.

bandhige@gmail.com