Guddoomiye Cirro waxa uu xadhiga ka jarray xafiis cusub uu Waddani ka furtay tuullada Halleeya

Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro” ayaa maanta xadhiga ka jaray xafiis cusub oo tuulada Halleeya ee duleedka magaalada Hargeysa uu ka furtay xisbiga Waddani.

Waxaana xadhig ka jarista xafiiskan cusub goob joog ka ahaa xubno ka tirsan hoggaanka iyo siyaasiyiinta ugu sarsareysa Waddani, Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, Ugaas Qows iyo weliba sida oo kale taageerayaal iyo dadweynaha ku dhaqan deegaankaasi oo aad u tira badan.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro” oo ka dib soo dhaweyntii halkaas ka hadlay, ayaa dadka deegaanka iyo mas’uuliyiinta xafiiskaas ba waxa uu uga mahadceliyey sida diiran ee ay ugu soo dhaweeyeen Tuulada Halleeya.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in shacabka ku dhaqan deegaankani ay ka mid yihiin hal muceedka xisbiga Waddani isla mar ahaantaana ay dhaxli doonaan isbedel khayr qabba maadaama oo ay hore ugu hungoobeen xisbiga Kulmiye oo aan weli la mahadin raadadka uu shacabka kaga tegaayo.

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, Ugaas Qows iyo weliba sida oo kale xildhibbaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo halkaas ka hadlay, ayaa iyaguna dhankooda tilmaamay muhiimadda uu lahaa xafiiskan cusub ee xadhiga laga jaray, waxaana ay ugu baaaqeen shacabka deegaankaas in ay si weyn uga qeyb-qaataan isbedelka tolmoon ee uu u soo wado xisbiga Waddani.

Qaar ka mid ah dadweynahii Tuulada Halleeya iyo mas’uuliyiinta xafiiskaas oo iyaguna dhankooda halkaas ka hadlay, ayaa muujiyey yididiilo horleh oo ay u qabbaan isbedelka tolmoon ee uu horseedka ka yahay xisbiga horumarka, cadaaladda iyo sinnaanshiyaha ee Waddani, waxaana ay carabka ku adkeeyeen in gebi ahaantood ay diyaar u yihiin siddii ay uga qeyb-qaadan lahaayeen taageerada Waddani.

bandhige@gmail.com