Axkaamta Ramadaanta, Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan-Rakuub, Q.1aad

Hordhac

Erayga ‘soon’ waa ka joogsi laga joogsanayo wixii Alle SWT faray in aan la samayn, taas oo macnaheedu yahay in aad xilli tirsan ka af xidhnaato cuntada, cabbitaanka iyo galmada.

Culimada ku horraysa luuqadda Carbeed waxa ay ereyga soon ka soo dheegtaan aayadda ka warramaysa Maryan Bintu Cimraan kolkii ay ka aamustay hadalka in ay wax tilmaanto mooyee. Tolkeed ayaa su’aashii ku soo celceliyey kadibna waxa ay si kooban ugu tidhi “Waxa aan Ilaahay nidar kula galay soon.”

Culimadaasi waxa ay yidhaahdaan hadalkii ayay ka joogsatay; sidaa darteed ayey u adeegsatay odhaahda ah soon iyadoo ula jeedda aamusni. Markaa haddii ay ka joogsigii hadalka u adeegsatay erayga soon innaguna waxa aynu u qaadanaynaa in eraygaasi yahay ka joogsi laga joogsanayo wixi Alle SWT faray in laga joogsado, gaar ahaan xilliyada Ramadaanta iyo xilliyada kale ee qofku Alle SWT u sooman yahay.

Shanta tiir ee dhidibbada u ah diinta Islaamka mid ka mid ah weeye soonku, waana tiirka afaraad. Haddii meesha laga saaro  diintu la’aantii noqonmayso mid dhammays tiran.  Sannadka Islaamka waa bisha ugu qiimaha badan ee la tirsado Ramadaantu, waana bil sidata dheeraad ay ku kaliyeysatay. Sidaas ayayna ku mutaysatay inay ahaato bil ka khayr badan bilaha kale oo dhan.

Soonku waxa uu bilaha kale ku dhaafay gudashada af-xidhnaanta soddonka cisho ah, lagana af xidhan yahay cabbitaanka, cunitaanka iyo dhammaan wixii kale ee aan marka hore ba bannaanayn, taas oo aanay jirin bil la wadaagtaa.

Af-xidhashadaasi waa waa tiirka ugu muhiimsan ee ay leedahay bishani, waana ta keentay in Alle SWT doorto si gaar ahna u sheegto bishan sida ku sugan xadiis-qudsiga:

“Waxqabad kasta oo ina Aadan la yimaaddo isagaa leh soonka mooyee, kaana (soonka) anigaa leh, anigaana ka abaal celinaya.”

Hadalkaa Alle SWT waxa laga dheegan karaa in ay la gaar noqotay bishani sirta ah in qofka af-xidhan iyo Alle SWT uun ay is og yihiin. Waayo qofka tukanaya waa la arkaa tukashadiisa, qofka wax sadaqaysanayana waa la arkaa haba arko ka uu siinayaaye, sidoo kale ka xaj gudanaya isna maaha mid qarsoomaya se ka af-xidhan isaga iyo Allihii uun baa is og, waana ta keentay in Alle SWT sidaa u soo dhawaysto.

Bishani maaha bil ugub ku ahayd soo saaristii ergaygii ugu dambeyey ergooyinkii Alle SWT ‘Muxammed.’ Hase ahaate waa bil la yaqaanay oo ergooyinkii hore ba ummadahooda fari jireen. Eeg aayadda Alle SWT ku leeyahay:

“Kuwa iimaanka laga helayoow waxa korkiina lagu waajibiyey soon sidii kuwii idinka horreeyey ba loogu waajibiyey si aad u baqataan.”

Halkaa waxa aad ka arkaysaa in arrinta ugu weyn ee loo amray samaynteedu tahay in Alle SWT laga baqo.

Haddaba bishani waxa ay leedahay tiirar ka kooban waajibaadyo iyo sunnayaal guntin u ah gudashada cibaadada Alle SWT. Bal aynu soo hor marino waxyaabaha soomka waajibiya:

 

Lasoco qaybaha dambe. Wixii su’aalo aad qabto waxad kala xidhiidhi kartaa

Bogga Facebook: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Caddaloolka Faysbuugga: Hoyga Sheekh Cabdirisaaq Xasan Rakuub

Email: cabdirisaaqafrican@hotmail.com

Tell: 063 440 85 03. 97 08 515

SheekhRakuub.wordpress.com