Madaxweyne Siilaanyo waxa uu hambalyeeyey bulshada Somaliland curashada bisha Ramadaan, baaqna u diray beela dirirtu ku dhex martay deegaanka gobolka Sool

 Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” ayaa waxa uu hambalyo u diray bulshada reer somaliand, sidoo kalena waxa uu baaq nabadeed u diray beelaha dirirtu ku dhex martay deegan Dharkeyn-geeyo ee gobolka Sool.

Hambalyada iyo baaqa Madaxweynuhu wuxuu u dhignaa sida tan:

 Bismillaahi-Raxmaani–Raxiim

Assalamu Calaykum Wa Raxmatullaahi Wa Barakaatu,

Anigoo ku hadlaya Magacayga, ka Xukuumadda iyo kan Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Shucuubta Islaamka guud ahaan iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland gaar ahaan, oo aan ku tahniyadaynayo bilashada bisha barakaysan ee RAMADAAN.

Waxaan leeyahay: RAMADAAN KARIIM, KULLU CAAM WA-ANTUM BIKHAYR. ILAAHAY WAXAN KA BARYAYAA INAYNU RAMADAANTAN TEEDA KALE INNAGU GAADHSIIYO BASH-BASH, BARWAAQO, AMNI IYO IIMAAN.

Bisha Ramadaan waa bil weyn oo mucjisooyinka ALLE ka mid ah, Waa bil cibaado. Waa bishii Qur’aanka Kariimka ahi soo degey. Waxa ku jirta Ramadaan duruus tiro badan. Ajriga soomkeeda laga helo ka sokow, waxa laga bartaa: samirka, go’aan qaadashada, isu-damqashada, iyo waxyaalo kale oo wanaag ah oo tiro badan.

Sidoo kale, waxaan bisha Barakaysan ee Ramadaan awgeed Illaahay uga baryayaa bukaan jiifka ay Ramadaan ugu soo gashay iyaga oo aanu caafimaadkoodu taam ahayn, awoodna aan u lahayn soonka ALLE innagu waajibiyey, in uu ka dulqaado xanuunka, intii dhimatay ee aan nasiibka u yeelan in ay innala qaataan farxadan qaaliga ah ee bisha Ramadaana, waxaan Illaahay uga baryayaa denbi dhaaf iyo inuu jannooyinkiisa ku waaro.

Waxa kale oo aan halkan baaq uga dirayaa shacbiga gobolka Sool, gaar ahaan labada Ardaa ee walaalaha ah ee mashaqadu ka dhex dhacday, taas oo keentay khasaare baaxad leh oo naf iyo maalba leh oo qarankeenana dhaawac ku ah.

Waxaanan ugu baaqayaa in degdeg loo joojiyo colaadda sokeeye, caqliga wanaagsanna taliyo.

Waxaan ugu baaqayaa Garaadada, Cuqaasha, waxgaradka iyo culimada, inay u gurmadaan, isla markaana dhakhso  loo soo afjaro dhiiga walaalaha ee qubanaya.

Ka xukuumad ahaana waxa naga go’an in aanan waxba kala hadhin sidii ay u istaagi lahayd colaaddu, waxaana muhiima in la karaameeyo oo la xurmeeyo bisha barakaysan ee Ramadaan.

Halkan hoose ka daawo hambalyada iyo baaqa Madaxweynaha:

  

ALLAA MAHAD LEH,