Guddoomiyaha Kulmiye waxa uu hambalyo u diray bulshada reer Somaliland curashada bisha barakaysan ee Ramadaan

War-saxaafadeed ka soo xarunta xisbiga Kulmiye oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka xisbiga Kulmiye Xasan Gaafaadhi ayaa waxa uu Guddoomiyaha Kulmiye ahna musharaxa Madaxweynaha Muuse Biixi hambalyo ugu diray bulshada reer Somaliland curashada bisha barakaysan ee Ramadaan.

War-saxaafadeedkaas oo dhamaystiranina waxa uu dhignaa sida tan:

War-saxaafadeed

Ujeeddo: Hambalyada Guddoomiyaha kulmiye ee bisha Ramadaan

Guddoomiyaha Kulmiye, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Muuse Biixi Cabdi oo ka wakiil ah hay’adaha xisbiga ee Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo taageerayaasha xisbiga waxa uu hambalyo u dirayaa guud ahaan ummaddaha kala duwan ee Muslimka dunida ku nool, gaar ahaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland curashada bisha barakaysan ee Ramadaan ee sannadka 1437 taariikhda Hijriga, kuna beegan 06/06/2016.

Guddoomiyuhu waxa uu Illaahay ka baryayaa inuu innaga aqbalo acmaasha bishan barakaysan, shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ay badhaadhe, nabadgalyo, barwaaqo iyo horumar ku gaadhaan bisha bisheeda sannadka dambe.

Waxa kaloo Guddoomiyuhu waxa uu shacabka ugu baaqayaa in la iscafiyo, lana caawiyo dadka jilicsan iyo masaakiinta, isla markaana qof waliba jaarkiisa ka war hayo.

Ugu dambayn, waxaannu leeyahay shacabka ‘Ramadaan Kariim.’ Alle ha ina siiyo khayrkeeda, soonka, sallaadda iyo cibaadada kalena ha innaga aqbalo. Aamiin……Aamiin….Aamiin.

ALLAA MAHAD LEH.

Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi)

Af-hayeenka Xisbiga Kulmiye