Hal qof ayaa ku dhintay iska horimaad ka dhacay Togwajaale

Hal qof ayaa waxa uu ku dhintay iska hor imaad rabshado wata oo ka dhacay guddaha suuqa Togwajaale, sidoo kalena laba qof ayaa ku dhaawacmay.

Iska Horimaadkan ayaa waxa sababay kadib markii ciidamada Booliska ee Togwajaale ay isku dayeen in ay dad shacab ah oo suuqa ka shaqaysanayey qasab kaga kiciyaan goobtii ay ka shaqaysanayeen.

Dadkan ka shaqaysanayey goobtan ayaa waxa kasoo jeedeen beesha Tumaalaha oo ka ganacsada farsamada gacanta.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan:

 

bandhige@gmail.com