Hargeysa: Xisbiga Waddani waxa uu deeq raashin ah u qaybiyey 140 qoys danyar ah

Xisbiga Waddani ayaa waxa uu maanta bilaabay barnaamijka “La Afur Waddani” oo uu xisbigu ugu talo in uu raashin u qaybiyo bisha Ramadaan dadka danyarta eek u dhaqan Somaliland, si ay iyaguna la afuraan walaalahooda wax haysta.

Munaasibad kooban oo loo qabtay guddoonsiinta raashinkan dadka danyarta ah, ayaa waxa goob joog ka ahaa Guddoomiye-ku-xigeenka Waddani Axmed Muumin Seed, madaxa barnaamijkan La Afur Waddani Layla Qulumbe, xoghayaha dalxiiska Mubaarik Cabdi Xasan, mas’uuliyiin kale iyo dadkii danyarta ahaa ee lagu wareejinaayey deeqdan raashinka ah.

Layla Qulumbe oo ah madaxa barnaamijkan La Afur Waddani  oo ugu horreyn halkaas ka hadashay, ayaa sheegtay in ay si aada ugu faraxsan tahay bixinta deeqdan raashinka ah, waxaana ay tilmaantay in deeqdan raashinka ah ay soo bixiyeen taageerayaasha Waddani ee qurbaha, iyada oo carabka ku dhufatay in mar walba ay ka go’an tahay caawinta dadka danyarta ah.

Mid ka mid ah dadkii danyarta ahaa ee la guddoonsiiyey deeqdan raashinka ah, oo isna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay farxad weyn u tahay in xisbiga Waddani uu soo gaadhsiiye deeqdan raashinka ah xilli ay baahi badan oo xoogga u qabeen, waxaana ay u duceeyeen dhammaanba dadkii ka soo qeyb-qaatay taborucaadkan khayriga ah.

Guddoomiye-ku-xigeenka Waddani Axmed Muumin Seed oo deeqdan raashinka ah guddoonsiiyey dadka danyarta ah, ayaa sheegay in ka xisbi ahaan ay farxad xoog ah u tahay in deeqdan ay guddoonsiiyaan dadkan danyarta ah, waxaana uu tilmaamay in deeqdani ay tahayd tabarucaadkii labaad ee khayriga ah ee xisbiga Waddani uu bisha Ramadaan kaga qeyb-qaadanaayo afurinta dadka danyarta ah, isaga oo sida oo kalena xusay in mar walba ay diyaar u yihiin ka qeyb-qaadashada iyo caawinta dadka danyarta ah.

D (8) D (13)

bandhige@gmail.com