Tartanka ciyaaraha dhallinyarada cuslaatay ayaa waxa uu ka furmay garoonka Obsiiye ee xaafada Jig-jiga yar

Tan iyo intii waddanka ka bilaabmeen abuurista garoomada yaryar ee casriga ee dooga macmalka la dhigay ayaa waxa u bilaabay ciyaaraha dhallintii hore ee cuslaatay wakhtina u waayey in ay ciyaaraan wakhtigii gaarka ahaa ee garoomada lagu ciyaari jiray.

kadib markii uu dhallintaa cuslaastay kusoo noqdeen garoomada yaryar ayaa waxa haatan ka dheeli tartanato kale duwan oo laga ciyaaro garoomada macmalka ee ka dhisan Hargeysa.

Waxay shalay galab ka bilaabmay garoonka Obsiiye ee xaafada Jirjiga yar tartanka dhallinyarada cuslaatayย oo ay iska hor iman doonaan 8 kooxood oo dhammaantoodba ka tirsan dhallinyarada cuslaatay xaafadaha magaalada.

Tarkanka ayaa waxa iska kaashaday dhallinyarada xaafada Jig-jiga yar oo uu horkacayo Axmed Baxnaan oo had iyo jeer wakhtigii galiya sidii ay dhallinyaradu kor ugu qaadi lahaayeen.

Axmed Bahnaan ayaa waxa uu ka mid ahaa ciyaartoygii u ciyaari jiray Gobolka Waqooyi Galbeed wakhtigii ay Somaliland ka mid ahay dawladdii Soomaaliya ee burburtay 1990-kii.

Axmed haddana waxa uu hoggaaminayaa koox ka mid kooxaha tartanka ku loolamaya.

Sidoo kale waxa qabsoomida tartanka qayb laxaadleh ka qaatay Dugsiga ย gaar loo leeyahay ee Amaana Boarding oo heelan kobcinta dhallinta dhinaca aqoonta iyo ciyaaraha.

Ciyaartii koowaad waxa ciyaar aad u xiiso badani dhexmartay laba kooxood ee Ililis iyo Jaylaani ku kala ciyaarayey (kooxaha magacoodu waxa u loogu kala bixiyey magaca kabtanka hoggaaminaya).

Guul laba kooxood kama wada qoslisee waxay guusha 2:0 ku raacday kooxda Jaylaani.

Tartanka ayaa waxa uu socon doonaa ilaa soddonka bisha Juun.

Wareega kooxda cuslaatay

ciyaaraha dhall

Amaano boarding

bandhige@gmail.com