Haweenaydii dunida ugu da’da weynayd ayaa geeriyootay iyada oo 116 jir ah

 

Susannah Mushatt Jones oo ahayd haweenayda dunida ugu da’da weyn ayaa Khamiistii ku geeriyootay guri dawladdu leedahay oo ku yaala Brooklyn, Maraykanka, iyada oo ay da’deedu tahay 116 sanno.

Sussanah Mushatt oo ay jaararka iyo dadka ay aqoonta isku leeyihiin u yaqaaneen Miss Susie ayaa geeriyootay kadib markii ay 10 maalmood oo kali ah xanuunsanaysay.

Kadib geerida Miss Susie waxa noqotay qofka dunida ugu da’da weyn Emma Morano oo ah haweenay Talyaani ah oo dhawr bilood uun ka da’ yarayd Miss Susie.

Emma Morano waxay noqonaysaa qofka kali ah ee ka sii nool dadkii dhashay qarnigii sagaal iyo tobnaad. Mar ay la hadlaysay gabadh yar oo neeras ah oo xannaanaysa waxay tidhi “Anigu waxan la da’ ahay buuraha.”

Emma Morano oo la weydiiyey sirta ku duugan da’deeya waxay tidhi “Habeenkiina hore ayaan u seexdaa, maalin kastana waxan cunaa beed ama ukun, xaasna ma ihi”

Worlds second oldest women

Emma Morano, waa haweenay Talyaani ah, waxay Khamiistii noqotay qofka dunida ugu da’da weyn iyada oo jirta 116 sanno