Hirdan adag kadib kooxda Barcelona waxay hantiday La Liga Isbayn

Horyaalka Isbaanishka oo ay ciyaaro adagi u socdeen kooxaha ugu waaweyn ayaa waxay xalay kooxda Barcelona u suuro gashay in ay hanato koobka horyaalka Isbaanishka ee La Liga.

Kooxda Barcelona ayaa waxay ciyaar aad loo sugayey ay kooxda Granada kaga adkaadeen 3:0 oo saddexda goolba u dhaliyey weeraryahankooda Luiz Suarez.

Inkasta kooxda Real iyaduna xalay dhankeeda 2:0 kaga badisay kooxda Deportivo Lo Coruna, balse guushan ayaan u suuo galay in ay koobka qaadaan.

Tan iyo markii kooxda Barcelona ay ku soo biireen weeraryahanada Messi iyo Iniesta ayaa waxay kooxda Barcelona qaaday 8 jeer La Liga Isbaanishka.

bandhige@gmail.com