Maraykanka ayaa markii koowaad haweenka u oggaaladay in ay hoggaamin karaan dagaal lug ah oo fool-ka-fool ah.
Kabtan Kristen Griest ayaa noqotay qofkii koowaad ee ka gudba tijaabo laga qaaday isla markaana waxa dhawaan loo diri doonaa safka koowaad ee dagaallada uu Maraykanku kaga jiro meelo badan oo dunida ah iyadoo hoggaamin doonta unugu rag iyo dumar isugu jirta oo infantari ah.
Beryihii ugu dambeeyey waxa Maraykanka ka socday olole ay haweenku ku doodayeen in loo oggolaado dejero kasta iyo door kasta oo ciidanka Maraykanka isla markaana aanu jirin haba yaraatee wax raggu qaban karo oo aanay dumarku qaban karin marka ay noqoto goobaha dagaalka.
Kabtan Kristen Griest waxay ka mid ahayd unug haween ah oo beri aan dheerayn loo ogollaaday in ay ka mid noqoto ciidamada komaandawska ee tabobarrada gaar ah qaba.
Waxa kale oo haweenka Maraykanka loo oggolaaday in ay taangiyada kaxeeyaan kuna dagaalamaan taas oo Maraykanka ka dhigtay dawladda kali ah ee Reer-Galbeed ah ee ay haweenku door kasta ka qaadan karaan dagaallada ay galaan iyaga oo aan haba yaraatee ragga waxba kaga duwanayn.
Xukuumadda Boqortooyada Ingiriiska ayaa iyadu ka fiirsanaysa in ay qaadato go’aankan Maraykanka oo kale iyada oo ay jiraan saraakiil ka tirsan ciidanka oo aan tallaabadaas taabacsanayn.
Il-wareed: Wakaaladaha Wararka
Bandhige@gmail.com