Saraakiil ka socda wasaaradda Arrimaha Guddaha Somaliland uu hoggaaminayo La Taliyaha Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Xasan Cigaal Iyo Af-Hayeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha Jamaal Cabdi Muxumed oo khamiistii ka ambabaxay Hargeysa ayaa si rasmiya gacanta ugu galiyey saraakiil ka tirsan Maamulka Puntland gaaddhi uu lahaa Madaxweyne-ku-xigeenka Puntland oo dirawalkiisa kala soo baxsaday gaadhigan kadibna uu la soo galay Somaliland.
Masuuliyiinta ka wasaarada Arrimaha Gudaha ayaa waxa kulamo kula yeesheen ciidamda qaranka gaar ahaan kuwa degan Oog iyo saraakiisha milatariga ee Widh-widh oo iyagu gaadhigaasi gacanta ku soo dhigay una soo gudbiyey taliska milatarida ee Oog.
Sidoo kale Taliyaha Xerada milatarida ee Oog oo isagu gacanta ku hayey Gaadhigani oo noociisu ahaa HILUX 9Xaajiyad).
Waxaana taliyuhu si rasmiyaga ugu wareejiyey gaadhigaasi masuuliyiihnta wasaarada Arrimaha Guddaha.
Masuuliyiinta ayaa waxay maalintii shalay si rasmiya ugu wareejiyeen gaadhigaasi lasoo dhacay saraakiida ciidamada Puntland yaga oo kula kala wareegay Xadka u dhexeeya Somaliland iyo Puntland.