Ha’yada Qaramada Midoobay ee caafimaadka ee WHO ayaa sheegtay in cudurka macaanka uu gaadhay heerkii ugu sareeyay, iyadoo ku dhowaad kow iyo tobankii qof uu hal qof uu saameeyay adduunka.
Sidoo kale Waxay sheegtay in ay jireen afar boqol iyo labaatan iyo laba milyan oo qof oo qaba cudurka 2014-kii, taasoo ah afar jibaar inta ay ahayd 1980-kii.
Warbixinteedii cudurka macaanka ee adduunka, WHO ayaa sheegtay in cudurka uu keenay hal milyan iyo bar dhimasho 2012-kii, waddamada soo korayana uu cudurka ku badanayo.
Sida ay sheegayso xogtii ugu danbaysay, waddamada galbeedka basifiga ayay ka jirtay dhimashada ugu badan ee cudurka macaanka.
Wabixinta ayaa waxay soo saartay ha’yadda WHO maanta oo ay ku beegan tahay xuska maalinta macaanka adduunka.