Guddoomiyaha aqalka Golaha Wakiilada, ahna Guddoomiyaha Waddani oo ku hadlaya magaciisa, kan hoggaanka, Guddiga Fulinta, garabbada haweenka iyo dhallinyarta, iyo weliba sida oo kale taageerayaasha Waddani ee kala jooga guddo iyo dibedba, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa guud ahaan shacabka Somaliland isaga oo ka tacsiyadeynaaaya geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Wasiirkii hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dr. Cabdi Aw Daahir Cali oo maanta ku geeriyooday Burco.
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi โCirroโ waxa uu sida oo kale tacsi taas la mid ah u dirayaa qoysaskii, carruurtii, qaraabaddii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuumku, waxaana si gaar ah loogu xasuusan doonaa in uu si weyn uga soo qeyb-qaatay halgankii dib-u-xoreynta qaran iyo horumarka marxaladahii kala duwanaa ee uu soo maray qaranka Somaliland.
Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi โCirroโ waxa uu Marxuumka Alle uga baryeyaa in uu godka u nuuriyo, naxariistiisii jannatul Fardowsana uu ka waraabiyo, sida oo kalena uu ehelkii, qaraabaddii, asxaabtii iyo guud ahaan shacabka Somalilandย samir iyo iimaan ka siiyo. Amiin Amiin Amiin.
Innaa-Lillaahiwa-innaaIlleyhiRaajiuun
Waaxda Warfaafinta Xisbiga Waddani