Wasaaraddaha Warfaafinta iyo Maaliyadda ayaa waxay dacwado ka dhan ah Wargayska Waaheen u gudbisay Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka

Wasaaradda Warfaafinta Somaliland ayaa maanta u gudbisay Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka dacwad ka dhan ah Wargayska Waaheen kadib markii uu maanta Baahiyey Warar been abuur ah.

Qoraal uu ku Saxeexan yahay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Maxamed Cilmi Aadan โ€œIlka-Caseโ€ oo nuqul ka mid ah aanu helnay ayaa u dhignaa Sidan:-

Mudane Xeer ilaaliye Guud waxaan halkan kuugu soo gudbinayaa dacwad ka dhan ah Wargayska Waaheen Caddadkiisii soo baxay maanta oo Arbaca ah bishuna tahay 6, April 2016 Tirsigiisuna ahaa 1829 oo laguย  daabacay War been abuur ah oo ciwaan looga dhigay:

โ€œWasaaradda Warfaafinta oo musuq-maasuq hadheeyay Iyo baabuur Wasaaraddu lahayd oo hayโ€™ad laga kireeyay.โ€

Sidoo kalena lagu sheegay in Khilaaf soo kala dhex galay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka Iyo Wacyigelinta iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta kaas oo sababay sida Wargaysku yidhi in Agaasimaha Guud Shaqada ka soo xaadiri waayo.

Muddane Xeer ilaaliye warka Wargaysku qoray laguma sheegin meel uu warkaas ka soo xigtay sidoo kalena wax xidhiidh ah lama uu soo samayn Cida uu khuseeyo warkani ka hor intii aanay aafin.

Mudane Xeer Ilaaliye waxaan u arkaa in warka Wargaysku qoray uu xadgudub shakhsi ah u gaystay Anigoo ah Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta isla markaana uu guud ahaan meel kaga dhacay haybadii Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka Iyo Wacyigelinta.

Sidaasi awgeed waxaan kaa codsanayaa in aad noo furtaan dacwad ka dhan ah Wargayska Waaheen.

Dhanka Kale Wasaaradda Maaliyadda ayaa isla maantaย  u gudbisay Xeer ilaalinta Qaranka dacwad ka dhan ah Wargayska Waaheen oo Kadib markii uu maanta faafiyey War uu ciwaan uga dhigay:

โ€œWarbaahinta oo heshay nuqul sir ah oo muujinaya kumanaan kun oo doollar oo laga lunsaday kastamka magaalada Hargaysa.โ€

Geesta kale qoraal aanu ka helnay Xeer ilaalinta Guud ee Qaranka ayaa dacwada labadan Wasaaradood ku soo oogeen Wargayska Waaheen u gudbisay Laanta Dambi-baadhista ee CID.

Dawladda uu hoggaaminayo Madaxweyne Siilaanyo ayaa waxay hore u dhexey Wargeysa Haatuf iyo Hubaal oo markii dambe la soo daayey.

Xigasho wakaaladda wararka SOLNA.

bandhige@gmail.com