Shirka Demoqraadigu ee ka socdo magaalada Philadelphia, waxa xalay si rasmi ah u aqbashay Hillary Clinton in ay noqoto musharraxa xisbiga Dimuqraadiga u matali doona doorashada madaxtinnimo ee dhici doonta dhammaadka sannadkan 2016.
Intii uu socday shirka Dimuqraadiga ayaa wax aka hadlay masuuliyiin aad u tiro badan oo ayiday musharaxnimada Hillary Clinton.
Sidoo kale Madaxweyne Obama ayaa waxa uu taageero weyn u muujiyey Hillary Clinton.
Doorashada Madaxtinimada Maraykanka ayaa waxa ku tartami doona Hillary Clinton oo ay Dimuqraadigu u doorteen in ay tartanka ka qayb gasho iyo ninka ganacsadaha ee nacaybka weyn ku u muujiyey Muslimiinta iyo muhaajiriinta ku sugan Maraykan ee Donald Trump oo xisbiga Jamhuurigu u doorteen in uu u tartamo jagada Madaxweynimada Maraykanka.