Waddani waxa uu Cabdi Haybe u magacaabay xil cusub

War-saxaafadeed ka soo baxay xisbiga Waddani ayaa waxa uu xil cusub u magacaabay wasiirkii Hore ee Caafimaadka Cabdi Haybe, xilkan ayaa waxa uu magacaabay xoghayaha Hawlaha Guud iyo Guryeynta.

War-saxaafadeedkaasina waxa uu u dhignaa sida tan:

KU: Cabdi Haybe Maxamed                                                                                          =Hargeysa=

 

OG: Guddida Fulinta Xisbiga WADDANI                                                                   =Hargeysa=

 

OG: Hoggaanka Xisbiga WADDANI                                                                            =Hargeysa=

 

OG: Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI                                                             =Hargeysa=

 

Ujeeddo: Magacaabis Xil

Markaan darsay:                  Qodobka 28aad ee Xeerka Xisbiga WADDANI

Markaan Arkay:         Baahida loo qabo in la buuxiyo Jagada Xoghayaha Hawlaha Guud   iyo
Guriyeynta

Markaan la Tashaday:         Xubnaha Hoggaanka Xisbiga WADDANI

 

Markaan ku Qancay:           Waayo-Aragnimada iyo Aqoonta uu leeyahay Md. Cabdi Haybe Maxamed

 

Maanta oo taariikhdu tahay 11 July, 2016ka wuxu Hoggaanka Xisbiga WADDANI go’aamiyey in Mudane Cabdi Haybe Maxamed uu noqdo Xoghayaha Hawlaha Guud iyo Guriyeynta ee Xisbiga WADDANI.

Waxaanu Ilaahay ka baryeynaa in uu ku soo kordhiyo Xisbiga WADDANI fikrado wax-ku-ool ah iyo in uu  ku soo biirin doono  waayo-aragnimadiisa iyo khibradiisa u gaarka ah.

ALLA MAHAD LEH

Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi (Cirro)

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI