Hillary Clinton waxay u mahad naqday taageerayaasheeda kadib markii ay ku guulaystay Musharaxnimada Dimuqraadiga

Kadib markii ay Hillary Clinton ku guulaysatay magacaabista xisbiga Dimuqraadiga in ay u tartanto jagada Madaxweynenimada Maraykanka sannadkan dhammaadkiisa ayaa waxay u mahad celisay taageerayaasheedii ku taageeray codkooda in ay noqoto musharaxa Dimuqraadiga.

Hillary Clinton ayaa sheegatay in ay guuleysatay kadib markii ay guul weyn ka soo hoysay Gobolka New Jersey.

Sidoo kale waxa la filayaa in ay Hillary Clinton taageero weyn ka hesho wufuudda gaarka ah ee bisha Julaay codeyn doona.

Waxa ay noqoneysaa haweeneydii ugu horeysay ee hesha awood ay xilka madaxweynaha ugu tartanto ee magacaabis ka hesha xisbi weyn oo Maraykan ah.

Mar ay la hadleysay taageerayaasheeda Brooklyn, waxa ay sheegtay in guul weyn oo taariikhda maanta Maraykanku gaadhay.

Waxa ay bogaadisay ololaha uu sameynaayay ninka la tartamaya ee Bernie Sanders.

Waxa ay eedeysay musharaxa xisbiga Jamhuuriga, Donald Trump, oo ay ku sheegtay in uu yahay inaan u qalmin in uu madaxweyne noqdo.

Weli waxaa la sugayaa natiijada codeynta gobolka California, taas oo cadeyn doonta haddii Hillary Clinton ay ku guuleystayay magacaabista, inakstoo tiro yar ay u baahan tahay.

bandhige@gmail.com