Ma og tahay (WQ: Janan Bari)

 

Ma ogtahay in xarafka Z uu yahay isla N lkn uu lugaha ku taaganyahay

ma ogtahay in xarafka a uu isla @ yahay lkn uu xijaabanyahay

ma ogtahay in xarafka F uu isla E yahay lkn aanuu kabo gashanayn

ma ogtahay in xarafka D uu isla I yahay lkn uu uur 9 bilopda leeyahay

ma ogtahay in xarafka( T )uu isla( I ) yahay lkn uu madaxa sinxi ku qaaday

ma ogtahay in xarafka (W )uu isla (M) yahay lkn uu dhabarka u jiifo

ma ogtahay in xarafka (G) uu isla xarafka (C) yahay lkn uu ina tusayo muruqyadiisa
ma ogtahay adigoo 9kg ah hadaad qaadato kamarad aad isla 100kg noqonaysid

ma ogtahay hadii aad mar iyo laba tvga ka hadasho inaad siyaasi caan ah noqonaysid

Ma ogtahay in hadii aad suldaan sheegato oo dawlada aad maag maagto inaad xaflad walba iyo soo dhaweyn walba aad taagnaanayso

ma ogtahay hadaad afar eray qorto inaad abwaan tahay isku qancinayso

ma ogtahay hadaad sheeko ku heesto aad fanaan sheegan karto

ma ogtahay hadii aad mar dawlada u shaqayso inaad ku mamayso hantida ummada wax kalena kuu dhadhamayn

ma ogtahay hadaad kamarad qaadato oo masaakiinta aad caawiso inaad adigu dhacayso marka danbe

Ma ogtahay hadaad qurbaha ka timaado in lagu tix gelinayo

ma ogtahay hadaad Englishka afar eray ka taqaano inaad aqoon yahan tahay

ma ogtahay in hadii aad dawooyin dhacay keento in suuqaagu dadkaaga yahay

ma ogtahay in hadaad bukooto inaan dalka dibbadiisa oo laguu qaado mooyee aan dalka gudihiisa lagugu dhaweynayn

ma ogtahay markaad doonayso inaad madaxda caydo inaad odhanayso waa free speech iyo waa dimuqraadiyad

ma ogtahay markaad doonayso inaad soo shaac baxdo inaad war beena oo lagugu xidho aad sheegayso

ma ogtahay ma ogtahaya ogtahay
In xeerka iyo sharcigu yahay la jiifiyaana banaan la joojiyaana banaan

ma ogtahay inaad laaluush bixiso qaadato, lkn aad dadka ku dhaliisho

 

Waxa Qoray: Janan Bari