Hoggaamiyaha mucaaridka Koonfurta Suudaan Riek Machar ayaa waxa uu ka degay caasimada Juba, kadib markii uu todobaad dib uga dhacay wakhtigii lagu waday. Imitaanka Riek ayaa waxay ka mid ahayd qodobadii heshiiska nabada ee mucaaridka iyo dawladdu wada-galeen.
Reik Machar ayaa la filayaa in loo dhaariyo jagadda Madaxweyne-ku-xigeenka oo uu hore u soo ahaa.
Tani ayaa ah tallaabo muhiim ah oo lagu dhaqangelinayo heshiiskii nabadeed ee u dhexeeya dawladda iyo mucaaridka.
Machar ayaa ka cararay Juba sannadkii 2013-kii, markaas oo lagu eedeeyay in uu rabay in inqilaabo dawladda, eedaymahaasna wuu diiday
Khilaafka u dhexeeya Machar iyo Madaxweyne Salva Kiir ayaa sababay in bishii Diisambar ee ย sannadkii 2013-kii uu dalkaasi ka bilowdo dagaal sokeeye, kaas oo ay ku dhinteen tobanaan kun oo qof, ayna ku barakaceen in ka badan laba milyan oo qof.