Kumanaan dhakhaatiir ah ayaa joojiyay shaqooyinka ay qabtaan maalin walba iyo kuwa adeega caafimaadka degdega saacada markay ahayd 08.00 AM, iyagoo ka soo horjeeda sharci cusub oo ay ku shaqaynayaan oo bilaabanaya wakhti dhow.
Shaqo joojintii dhaqaatiirta ee ay wada joojiyaan adeega oo dhan ayaa ka bilaabatay Ingiriiska.
Waa markii ugu horaysay ee taariikhda adeega deg-dega, dhalmada iyo bukaanka aad u liita ay saamayso shaqo joojintan muddada dheer socota.
Madaxda Hayadda caafimaadka qaranka ee NHS ayaa aaminsan in la qorsheeyay si loo hubiyo badbaadada bukaanka, si aadna loola soconayo inta ay socoto shaqo joojinta ilaa shanta galabnimo.
Shaqo joojin noocan oo kale ayaa dhici doonta bari.
Isbitaalada ayaa waydiistay dhakhaatiirta in ay shaqada ku soo noqdaan haddii loo baahdo, laakiin ilaa hadda NHS ayaan waydiinin.
NHS Ingiriiska ayaa sheegtay in ay samaysay diyaargarow dhinaca dhakhaatiirta ah oo ay adeegi bixin doonaan dhakhaatiirta milaterigu adeega deg-dega ah si loo badbaadiyo bukaanka.