Hoggaamiyaha mucaaridka Ugaandha Besigye ayaa waxa loo haystaa khiyaamo qaran

Hoggaamiyaha mucaaridka Ugaandha Kizza Besigye ayaa waxa maanta la filayaa in ay dacwad khiyaamo qaran ahi maxkamadda.

Ninkan ayaa ahaa musharraxa ugu weyn ee doorashadii dhawayd ka dhacday Ugaandha taasi oo u la tartamay Madaxweyne Yoweri Museveni.

Dacwadan ayaa waxa loo arkaa fursad ay dawladda ku sixi karto wixii khaladaad ah ee ku jira habkeeda sharciga ee ka dhanka ah Kizza Besigye.

Markii hore waxaa maalintii Jimcihii dacwad lagaga soo oogay magaalada Moroto, oo ku taalla waqooyiga bari Ugaandha.

Taasi waxa ay dhacday kadib markii uu laba habeen xabsiga ku jiray.

Xilligaas waxaa la sheegay in lageeyay maxkamad hoose waqti shaqada laga rawaxay, taageerayaashiisana waxa ay sheegayaan in aan loo ogolaan qareenadiisa in ay la kulmaan.

Besigye, markaasi kadib waxaa loo soo dhaadhiciyay magaalada Kampala, sida lagu sheegayna hadal ka soo baxay garsoorka dalkaasi, waxaa lagu soo oogi doonaa dacwad cusub, waxaana rasmi ahaan laga dhigi doonaa rumaan.

Waxa lagu eedeeyay in uu si joogta ah ugu dhawaaqayay in uu isagu yahay kan ku guuleystay doorashadii madaxtinimada ee muranka dhalisay.

Maxkamadda sare ee dalka Ugaandha, waxa ay xukuntay in Madaxweyne Yoweri Museveni uu isugu yahay kan saxda ah ee ku guuleystay doorashada.

Arbacadii hore, hoggaamiyaha mucaaradku waxa uu dhigay xaflad uu isku dhaariyay in uu isagu yahay Madaxweynaha, markaasi kadibna waxaa laga qabtay Kampala, iyadoo loo dhaadhiciyay Moroto.

bandhige@gmail.com