Xukuumadda Itoobiya ayaa hambalyo ku saabsan dabaaldega maalinta Qaranimadda 18-ka May u soo dirtay shacabka Somaliland, una rajeysay in ay guulo badan ka gaadhaan mustaqbalka.
Qoraal ka soo baxay xafiiska Itoobiya ku leedahay caasimada Hargeysa, kuna saxeexan yahay Brig Gen. Berhe Tesfay, safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliland ayaa lagu sheegay inuu hambalyo u dirayo shacabka Somaliland la xidhiidha xuska maalinta qaranimadda Somaliland.
Tesfay ayaa qoraalkiisa ku yidhi:
โWaxaan u rajeynayaa shacabka Somaliland farxad maalinta xuska qaranimadooda 18-ka May.โ
Qoraalka safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliland ayaa sidoo kale la raaciyey:
โWaxaan u rajaynayaa gaadhitaanka guulo badan mustaqbalka.โ
Xukuumadda Itoobiya ayaa noqonaya waddankii ugu horeeyey ee hambalyo la xidhiidha xuska maalinta qaranimadda 18-ka May u soo dira shacabka Somaliland.
Dhinaca kale, dalka Itoobiya ayaa la filayaa in ay kala qeybgalaan shacabka Hargeysa dabaaldega xuska 18-ka May maanta ka wada socda waddanka guddihiisa iyo dibeddiiisa.
Munaasibadaha xuska maalinta qaranimadda Somaliland ee 18-ka May oo sannadkan si balaadhan uga xusi doonaan muwaadiniinta Somaliland ee daafaha caalamka ku kala nool magaalooyin gaadhaya lixdan oo ku kala yaal afartan waddan ayey ka qeyb ahaan doonaan banaanbaxyo lagu dalbanayo aqoonsiga Somaliland oo wadamada qaarkood ka dhici doona, waxaanay dabaaldegyadaasi socon doonaan ilaa horaanta bisha June.