18-ka May Qaranimada Somaliland (WQ: Maxamed Yaasiin Maxamed)

Waxaan joogay maalintaa 18mey sanadkii dadku go’aansadeen dib ula soo noqoshada somaliland magaalada Burco, waan xusuustaa maalintaa waxay ii ahayd xagayga maalin noloshadayda aad ugu qiimo leh, maalintii noloshayda iigu farxada badnayd, waxa iyana ila mid ahaa dadyowgii maalintaa Burco igula noolaa, oo runtii maalintaa iyo habeenkeediiba aad looga dabaal degayey Burco iyo guud ahaanba somaliland, hubka waawayn marka laga reebo madaafiicda ayaa habeenkaa nin waliba wuxuu haystay uu faraqayey, weliba ku darsoo dadkaa hubka aadka u faraqayey waxay ahaayeen dad ka soo xarooday maalmo halgan oo aad u qadhaadhaa oo nin waliba markaa wuu hubaysnaa, oo dadba waxay ahaayeen kuwii libinta maalintaa xaqiijiyay.

Sidaa daaraadeed waxay ahayd farxad camuumtay Somaliland dhammaanteed, waxay ahayd il nabad-gelyo iyo wada noolaansho ay garteen aqoonyahanadii iyo cuqaashii bulshooyinka waqooyi ee ku wada dhaqanaa Somaliland, waxay ahayd ayaamo qaaliya oo ay mar labaad curatay Jamhuuriyadii Somaliland ee ay sannadkii 1960 bishii june 26-keedii saacadu markay ahayd 12-kii habeenimo oo shan la’ayd ay boqorada ingiriisku ku dhawaaqday in ay dunida ku soo korodhay jamhuuriyad la yidhaahdo Somalilnd balse afar cisho ka dib alle haw naxariistee ay dadkeedii cadaw u loogeen,sadqeeyeen ayna ka mid noqotay soomaaliyeed S.Y.L. ay xoraysay oo ay ilaa maanta ay sheegtaan inay iyagu somalilandn ay xoreeyeen.

Maalmo kadib waxa dhacay dagaaladii lagu hoobtay ee ka dhacay meelo badan oo dalka ka mid ah, kaas oo madaxdu ay ku baraq jebinaysay dooniska iyo hadafkii shacabka iyo dadkooda, si aanay marnaba uga dhabaynin ra’yigooda ka dhashay cadawtinimadii iyo baabi’intii xukuumaddii milateriga ahayd ee sida nacabnimada ah ugu adeegsatay dawladdii la wada lahaa bulshadii magaratada ahayd, hubkii iyo diyaaradihii cashuurtooda la soo siiyeyna lagu duqeeyey, taasi bedelkeeda si aanay u dhicin dalkii la isku odhan jiray Soomaaliyana aan loo kala goyn, maadaama aanay xitaa chartar kii S.N.M ย na xitaa aanay ku jirin goosashadu waxa la riday dagaalkii Burco ee shanta cisho ahaa, taasi waxay soo dhawaysay markii reer Burco ay iska garteen siyaasadii jalaafada lahayd ee calancasta in uu dhaco dagaalkii lagu hoobtay wakhtiga aadka u dheerna soconayey ee Berbera iyo guud ahaanba gobolka saaxil ka hulaaqmay.

kadib waxa is bedelay hoggaankii dalka waxaana yimid mid xaga dagaalka aan isna uga soo rayn bulshada, waxa curtay 1995-kii dagaalkii Burco iyo Hargaysa mar keliya wada naafeeyey, kaasi oo isna socday muddo saddex sanno kor u dhaaftay sababayna dhimasho dhaawac iyo burbur ka daran kii faqash inaga soo gaadhay, dagaalkaasina wuxuu raad la lahaa dagaaladaas hore ee midnimo raadinta balse uu eebe dadkiisa isagu uu doonistooda uu u dhabeeyey.

Arrimahaasi waxay mar walba ay ka socon la’aayeen dadkii Soomaaliyeed ee reer koonfureedka ahaa oo iyagu aan waxba isu ogolayn wakhtigaa anoo soo koobayana carqalada midnimada Soomaaliya ilaa maanta cida hor taagan ee aan jeclayni waa Soomaalida koonfureed ee Talyaaniga oo iminkana u xuub siibtay Federaal iyo maamul goboleedyo iyaga oo qudha u danaynaya, taasoo aan marnaba qancinayn siyaasiyiinta waqooyi ee midnimo jacaylku uu hoday ee xitaa xamar dhex jooga.

Soomaaliya intaanay burburin waxay ahayd Jamhuuriyada Soomaaliya oo ay wada samaysteen labadii qaran ee ka kala xoroobay Talyaani iyo Ingiriis, waana xisaabta keliya ee barbilow u ah qaran Soomaaliya la yidhaa, laakiin maya kan maanta.

Hadda Somaliland waa xor waxay xor tahay 25 sanno oo aanay mar keliya talo wadaagin Sooomaaliya intii ay Somaliland iyo Soomaaliya ay wax wada lahaayeena waxay ahayd 30 sanno waxa u dhexeeya shan sanno oo uu intaa iyo ka badana ay dagaalamayeen, taasi waxay muujinaysaa farqiga iyo kala fogaanshaha labada dhinac, waana muhiim maanta reer Soomaaliya in ay taas ku qancaan, ma jirto cid soo socotaa iyo midnimo dhalanaysaa ย ee iimaansada intiinaa.

Dadka reer Somalilandna waxaan leeyahay hanbalyo waad samirteen nin samraana sedkii hela ee Illaahay guul iyo gobanimo haydin gaadhsiiyo sannadkan kiisa xigana bashbash iyo badhaadhe iyo aqoonsi ku gaadha una samra wakhtiga iyo waayaha, siyaasiyiintana waxaan leeyahay u dhabeeya bulshada doonisteeda.

Wa bilaahi towfiiq

Maxamed Yaasiin Maxamed