Somaliland oo si aan kala-hadh lahayn looga xusay 18-ka May

????????????????????????????????????

Waxaa maanta dhammaan gobollada Somaliland si weyn looga xusay 25-guuradii ka soo wareegtay dib-ula-soo-noqoshadii xornimada Somaliland 1991, taas oo luntay 1dii July 1969 markii Somaliland la midowday koonfurta Soomaaliya.

Xaflad si heer qaran ah loo abaabulay loona agaasimay ayaa lagu qabtay magaalada Hargeysa gaar ahaan qasriga madaxtooyadda horteeda waxaana ka soo qaybgalay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud โ€œSiilaanyoโ€, Madaxda Golayaasha Qaranka, wasiiro, xildhibaano,ย madax ka socotay xisbiyada mucaraadka iyo masuuliyiin kale oo tiro badan.

Waxa iyaguna ka qaybqaatay kumanaan dadweynaha Hargeysan ku dhaqan ah iyagoo ku lebisnaa calanka Somaliland qaarkoodna ay oogada jidhkooda ku soo buufisteen.

Guud ahaan waxa gobollada dalka ka qabsoontay xaflada xuska 18-ka May oo doorkan rubuc qarni jirsatay.

Dadweynaha ayaa dareen farxadeed laga dheehanayey iyagoo weedha ugu badan ee ay isku salaamayeena ahayd โ€œCiid Mubaarikโ€.

Hoos ka daawo muqaalka xuska 18-ka May eek a dhacday Hargeysa:

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

bandhige@gmail.com