Hoggaamiyaha Boko Xaraam Abubakar Shekau ayaa waxa uu baahiyey muuqaal cusub oo uu beeninayo in ay dileen ciidamada milateriga Nayjeeriya bishii hore.
Abubakar Shekau ayaa u muuqday nin caafimaad qaba wuxuuna fariinta ku soo duubay, dhawr luuqadood oo kala ah Carabi, Hausa, Kanuri.
Inkasta oo aanay cadayn muuqaalkan wakhtiga la duubay.
Ururka Bookoo Xaraam ayaa horay u sheegay in uu ku biiray kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka.
Bishan horaanteedii ayayna ahayd markii Dawladda Islaamku ay sheegtay in Shekau ay xilkii ka qaaday ayna ku badhashay Abu Musab Albarnawi, oo aan aad loo aqoonin, laakiin Shekau ayaa sheegay in uu isagu wali xilka hayo.
Muuqaalkan oo YouTube-ka la soo dhigay ayaa 40 daqiiqo ah, Shekau oo hadlayana wuxuu sheegay in uu caafimaad qabo ammaana haysto.