Somaliland rubuc qarni kadib waxay maanta heshay qof ku munaasib ah hirgalinta iyo dhaqaajinta hawlaha qaranimo ee ay wadda dawladda Somaliland, waana jawharadii mudaba ay Somaliland raadinaysay rubuc qarnigaasi taasi oo ay qabatay guulo waxqabad oo lagu tilmaami karo kuwo sida dayax nuurkiisa u cad waxaana tusaale buuxa u noqon aysa ku dhiiranaanta iyo hirgalinta maalgalintii Hayaddaha ย Somaliland ka tageera lacagaha ku baxa imtixaanaadka oo ay gabi ahaanba iyadu kafaalo qaaday ka dib markii ay joojiyeen Hayaddahaasi waa wasiirka Wasraaradda Maaliyada Ee Marwo Hirgaliso Samsam Cabdi Aadan.
Waxa kale oo ka mid ah guulihii muuqday ee ay wakhtigii ay joogtay wasaarada waxbarashada Marwo Hirgaliso Samsam Cabdi Aadan ay fulisay hawlo baaxadooda leh oo culays iyo miisaan balaadhan leh sida:
รย ย Soo celinta taariikhda u gaarka ah dadka Somaliland sida ta SNM oo laga saaray manhajka 2008da.
ร ย Shaqaalaynta in ka badan 1500 Oo macallin ย cusub ah.
ร ย Hirgelinta dugsiyo sare oo ay ka mid yihiin Warancadde, Quulle Aadan iyo Sheekh Cali Ibraahin oo ย Hargeysa ah.
Iyadoo samaysay mashaariic faro badan oo wax ku ool ah mudadii ay joogtay wasaaradda waxbarashadda kuwaasi oo aan badi la soo koobi Karin hase ahatee noqnaya kuwo aan ka qarsoonayn indhaha bulshada(Inta Turxaanta ka Fayoob).
Geesta kale Mudadii ay ku sugnayd Wasaaradda Maaliyadda Marwo Hirgaliso Samsam Cabdi Aadan Waxay Fulisay dhaqaajinta iyo dardar galinta cashuuraha bariga oo ay la taaban karo,hirgalinta qorshayaal fiican oo ay ku shaqeeyaan Kastamada Somaliland, kobcinta aqoonta shaqaalaha wasaaradda maaliyadda,maamul daadajinta shaqo ee wasaaradda iyo Dardar galinta hawlaha shaqo ee maalin laha ah.
Muddo kooban, shaqo badan,Hawl Adag iyo dhiiranaanta geesinimo ee ku dhaca leh Marwo Hirgaliso Samsam Cabdi Aadan oo noqonaysa mid ay ku majeerteen mudantii iyo hal doorkii Somaliland kuwaasi oo ku tilmaamay in ay tahay Jawharad ay Somaliland heshay kadib burburadii dagaalihii kala duwanaa ee ay somartay Somaliland oo lagu qiyaaso Rubuc Qarni(25%), Heshiiska caalamiga ah ee DP WORLD oo ay ka mid ahayd xubno ufuud heer caalami ah oo loo diray in ay hir galiyaan heshiis ay wadda galeen somaliland iyo Shirkada caalamiga ah ee ka shaqaysa horumarita iyo maalgalinta dekedaha ee DP WORLD oo ay door muuqda ka qaadatay.
Marwo Hirgaliso Samsam Cabdi Aadan ย waxay shaqadii ugu horaysay ka qabatay wasaaradii waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee Somalia Waaxdii hargeysa,waxayna ย xoghayn u noqotay Alla ha u naxariistii marxuum Yusuf Xaaji Adan Qabile, Waana halka ay tixgalinta balaadhan iyo ahmiyada ka siiso waxbarashadda Somaliland doc kasta oo ay tahayba.
Gebo gebedii maadaama oo aan ahay qof muwaadin ah oo fikirkiisa xor u ah lehna tallo soo jeedin ku dhisan afkaar iyo rayi muhiim ah waxaan ku talin lahaa in Marwo Hirgaliso Samsam Cabdi Aadan Laga Taallo qaran loo dhiso oo dhiiri galin ugu filan intii ay dalka iyo dadkaba wax tartay oo ah wakhti culus iyo duruufo adag oo ay fulisay si kasta oo ay ku fulisayba waan muhiim qofkasta oo dalka wax tar muuqda u qabtay in la xuso oo lagu xuso wax kasta oo qiimo leh.
Cumar Cabdirisaaq Cali
Ayman.egal@gmail.com
063-4096983