Ilma Ismaaciil Samatar: Walaalo Siyaasadda Ku Kala Tegay W/Q: Cali Cabdi Coomay

  • Cabdi Ismaaciil Samatar wuxuu xubin baarlamaan oo aqalka sare ah ka helay Soomaaliya. Wuxuu dabad-fadhiyaa Cabdi Xaashi C/laahi oo ah Hindiya ugu weyn ragga Muqdisho u shaqo tegay xil sarena ka haya. Wuxuu aamisan yahay mabdaโ€™a Soomaaliya oo mid ah (Unionist).
  • Axmed Ismaaciil Samatar wuxuu hore uga soo quustay halka uu walaalkii maanta joogo, markii uu ka gaadhay musharrax madaxweyne. Wuxuu hore ugu soo hungoobay urur siyaasadeedkii HIIL QARAN. Wuxuu beddelay mabdiโ€™iisii Soomaaliya oo mid ah, waxaanu aaminay in Soomaalilaan meel uu ku doorsado aanay jirin. Wuxuu ku dhawaaqay urur siyaasadeedka HILLAAC. Waa nin xariif ku ah sida loo doorto magacyada wanaagsan, malahayga waxa u saamaxaya waayo-aragnimadiisii weriyennimo iyo noloshii qaran joog iyo qurbo joog ee uu soo maray. Maanta wuxuu ka talinaya masiirka ummaddii uu ka dhashay ee Soomaalilaan. Waana guddoomiye urur saameyn weyn yeelan doono marka la eego siday daโ€™yartu ugu xidhan tahay. Waxa lagu wadaa inuu kasbado dhallinyaraddii fara badnayn ee cododkoodii la yaabka lahaa ku soo saaray Maayir Cabdi Kariin iyo Xildhibaan Barkhad Batuun. Waa nin si fiican isu baray daโ€™da 20 ilaa 35 jirka Soomaalilaan, waana daโ€™da ugu badan Soomaalilaan ee cod bixin karta.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com