Inspire Group oo war-saxaafadeed kasoo saartay arimaha Doorashooyinka Somaliland

Labaatankii sanno ee la soo dhaafay, Somaliland waxay qaaday talaabooyin la taaban karo oo dhanka dimuqraadda ah. Waxay si xor ah u qabatay lix doorasho: saddex doorasho Madaxweyne, labo doorasho Golayaal-deegaan iyo hal doorasho oo Baarlamaani ah. Balse haddana dib-u-dhaca doorashooyinka ee soo noq-noqday waxay sumcad-xumo ku yihiin geedi socodka dimuqraadiyadda Somaliland. Golaha Wakiilada ee hadda jooga waxa la doortay sanadkii 2005-tii mudo-xileedkooduna wuxuu ahaa shan (5) sano oo keli ah. Iyadoo ay haatan mudo 15 sano ku dhawi kasoo wareegtay mudaddii Dastuurku jideeyay ee kalka golahan Wakiilada wakhigan fadhiya, ayaa ilaa hadda waxa aan cadayn goorta ay qabsoomayso doorasho. Waa arin aan la aqbali-karin haddii ay Somaliland rabto in ay sii ahaato waddan dimuqraadi ah ama “Waddanka ugu dimuqraadisan” Geeska Afrika iskaba daa inay ku hesho ictiraaf caalami ahe. Hadaba waxa la gaadhay wakhtigii Dawladda iyo dhinacyada ay khusaysaa garwaaqsan lahaayeen muhiimadda ay leedahay tixgelinta saraynta Dastuurka iyo shuruucda doorashooyinka ee dalka.

Machadka Inspire Group isaga oo ka faa’idaysanaya fursadan, wuxuu soo dhaweynayaa talaabooyinka togan ee ay Xisbiyada Siyaasadu ka gaadheen in ay qabsoonto doorashada dib u dhacay ee Baarlamaanka iyo Golayaasha Degaanka. Waxaanu si gaar ah u boogadinaynaa go’aanka cusub ee labada Xisbi Mucaarad ku gaadheen in tirada Koomishanka Doorashooyinka Qaranka (KDQ) ee cusub sii ahaadaan 7 xubnood iyo sidoo kale in Barlamaanka soo socda uu go’aan ka gaadho in xubnaha Gudidda laga dhigo 9 xubnood mustqabalka (sidii ay saddexda Xisbi isla garteen). Anaga oo aad uga xun in khilaaf siyaasadeed lagu lumiyay muddo laba sano ku dhowaad ah, waxaanu rajaynayaa in Xisbiyada Siyaasadu ay muujiyaan isu-tanaasul dhexdooda ah, si loo gaadho hadafka guud ee meel- marinta doorashooyinka dalka. Waxaa iyana xusid mudan maqnaanshaha doorkii ay lahaayeen unugyada maxaliga ahi markay timaado khilaafyo siyaasadeed oo noocan ah. Waa wax laga xumaado in Somaliland amuurahaeedii gudaha ee ay ku can-baxday isu-tanaasul iyo is-afgarad aad moodo inuu wiiqmay oo la tebey. Khilaafaadkan ugu dambeeyey ee doorashooinyka waxa banaanayd kaalintii iyo doorkii shariifka ahaa ee Golaha Guurtida, waxaa kale oo wiiqmay kaalintii Ururada Bulshada iyo hoggaamiyeyaasha dhaqanka/diinta ay ka ciyaari jireen isu-soo dhawaynta Xisbiyada Siyaasadeed. Dhamaan dhinacyadan waxaanu ku dhiirgelinaynaa in sidii caadadu ahayd ay door hor leh ka ciyaaraan xalinta khilaafyada siyaasadeed, oo aanay ka aamusin marka danta-guud ee Qaranka iyo doorashooyinku ay halis galaan.

Inspire Group waxa u muuqata in aanay doorashadu qabsoomi karin waqtigii hore loo cayimay ee -12- ka December 2019. Sidaas daraadeed, waxaa daruuri ah in la sameeyo muddo-kordhin laga wada tashaday layslana ogol yahay. Waxaanu u soo jeedinaynaa Golaha Guurtida in ay muddo-kordhintaa kala tashadaan daneeyayaasha doorashada, si looga hortago in la sameeyo muddo-kordhin ka badan midda farsamo ahaan loo baahan yahay. Sidoo kale, waxaanu u soo jeedinaynaa in Madaxweynahu hormood ka noqdaan xal u helida caqbadaha ku geedaaman doorashada, gaar ahaan saami-qaybsiga kuraasta Barlamaanka, oo iyadu u muuqata caqabada ugu weyn ee hadda jirta. Waxaa kale oo aanu rajaynayaa in Xildhibaanada Golaha Wakiiladu ay ka gaabsadaan wax kasta oo caqabad ku noqon kara qabsoomida dooraashada – sida dib-u-dhigista ansixinta xubnaha cusub ee KDQ amma meel-marinta xeerarka doorashada ee haatan horyaala.

Ugu dambayn, waxaanu ku rajo-weynahay in Xukuumadda, Baarlamaanka, Xisbiyasada Siyaasadda iyo Beesha Caalaamku ay si wada-jir ah oo niyadsani ku dheehan tahay uga wada shaqeeyaan qabsoomida doorashooyinka Somaliland wakhtiga ugu horeeya ee suurta-gal ka ah.
—Dhamaad—