Iiraan waxay shaacisay in ay tayaynayso nukliyeerkeeda 20%, waxayna afduubatay markab marayey Gacanka Beershiya

Shalay oo dhan dunidu waxay u dheg taagaysay ficilka ay Iiraan ku kici doonto iyadoo ay ku beegnayd sannad-guurada maalintii Maraykanku Khaarijiyey taliyihii ciidamada cirka Iiraan Qaasim Sulaymaani. Waxay u muuqataa wixii la filayey wax ka mid ahi in ay maanta dhaceen.

Xukuumadda Iiraan ayaa shaacisay in ay tayaynayso Yuuraaniyamnta laga sameeyo nukliyeerka boqolkiiba labaatan, taas oo aad uga sarraysa intii beesha caalamku ay Iiraan kula heshiisay oo ahayd 3%. In kastoo wali nukliyeerka Iiraan aanu ku dhawayn in uu noqdo hub la rido, haddana waxa la odhan karaa waxay cagta saartay waddaddii gaadhsiin lahayd in ay ku biirto waddamada tirsan ee leh awoodda nukliyeerka.

Sidoo kale, waxay Iiraan goordhawayd oo gelinkii dambe ahayd qabsatay markab uu ka babanayo calanka Koonfurta Kuuriya. SIda ay sheegeen wakaaladaha wararka Iiraan, markabkan waxa loo qabtay kadib markii la ogaaday in uu dikhow iyo wasakh ku samaynayo Gacanka Beershiya.

Golaha Ammaanka ee Maraykanka ayaa fiidkii shir degdeg ah isugu yimid, waxayna go’aamiyeen in dib loo celiyo markab dagaal oo diyaaradaha xambaara oo Maraykanku leeyahay, kaas oo uu Trump toddobaadkan amray in laga kaxeeyo bariga dhexe si uu Iiraan ugu muujiyo in aanu dagaal diyaar u ahayn.

Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa Trump oo muddo-xileedkiisa ay ka hadhsan tahay in ka yar 2 toddobaad. Caddaawadda Madaxweyne Trump iyo Iiraan u dhaxaysa ayaa afartii sanno ee ugu dambaysay gaadhay meel aad u sarraysa, iyadoo Iiraan lagu soo rogay cumoqabataymo aad u bahan, kuwaas oo taabtay nolosha dadka caadiga ah ee Iiraan.

Trump ayaa lagu tilmaamaa nin aan la malayn karin oo daqiiqadda uu doono samayn kara waxa ay maskaxdiisu hollato, sidaas daraadeed waxa jirta cabsi ah in ay Maraykanka iyo Iiraan gacmaha isula tagaan.

Iiraan ayaa Maraykanka ku eedaysa in uu indho la’aan kula safto Israa’iil iyo Sucuudiga oo beryahan dambe isku dan ah.

Bandhige@gmail.com