Sucuudiga oo Qadar ka qaaday cumo-qabataymihii cika, badda iyo dhulka

Sucuudiga ayaa shaaciyey in uu cumoqabatayimihii cirka, badda iyo dhulka ka qaaday Qadar. Taas beddelkeedana Qadar waxay shaacisay in amiirkoodu ka qaybgali doono shirka waddamada iskaashiga Khaliijka ee loo yaqaan (GCC).

Lama oga labada dhinca ka tanaasulay iyo waxa lagu heshiiyey, hase ahaatee waxa meelo badan oo caalamka ah looga arkay tallaabo dhinaca wanaagsan loo qaaday.

Tan iyo markii la doortay Joe Biden waxa idaacadaha caalamku saadaalinayeen in uu dhammaaday khilaafkii Khaliijka ee ku dhisnaa qaybi oo xukun, taas oo u muuqatay siyaasad Madaxweyne Trump hor kacayey dan uu ka lahaaba.