Ey-ga iyo Naxariista Soomaalida (WQ: Xasan Cabdi Madar)

Ey, Ey, Ey… Eygu wuxu ka mid yahay noolaha ugu faa’iidada badan aadamaha. Faa’iido badnaantiisa Diintu way sheegtay, mar lagu ugaadhsado iyo mar ilaaliye laga dhigtaba. Dunida in badan oo ka mid ahi sidaa way garatay. Waxa loo adeegsadaa ilaalinta ammaanka dalalka, la dagaallanka maandooriyaha, miino-baadhista iyo waxyaalo kale oo la halmaala. Intaaba aadamaha wuu uga garasho badan yahay. Dunida kale Eyga aad baa loo daryeelaa, waa la ilaaliyaa, la xannaaniyaa oo la dhowraa caafimaadkiisa, hoygiisa iyo cuntadiisa. Dunida qaarkeed dukaammo dharka iyo cuntada Eyga lagu iibiyo ayaa ka furan.
Innaga iyo Egya xidhiidh wanaagsani innagama dhexeeyo. Xidhiidhkaasi xagga uu ka xumaaday xagga Eyga maahee waa xaggeena. Eygu innama dagaalo, innalama diriro, waana u diyaar in uu innoo adeego haddii innaga la innaga helo. Eyga dhulkeennu aad buu u nasiibdaran yahay. Marka uu dhashoba waxa uu la koraa colaadda iyo dagaalka aan u qabno. Colaad uun maahee dagaal gacan-ka-hadal ah baa noloshiisu la kowsataa. Carruurteenna iyo eryadka Eyga aragti baa ka dhexaysa. Dhagxaan bay ku caydhsadaan, inta uu ordayana shiid ayey hadhka kaga dhigaan, kamana hadhaan ilaa ay daaliyaan oo dakharro u yeelaan. Taas buu ku koraa, la noolaadaa oo la god galaa, inteenna waaweynina kama celinno. Ka celin iska daayee keenna gaaddhi wadaa lugaha ayuu ka jidhaa. Waa wada naafo maanta Eyda magaaladu.
Eygu maalin walba wuxu arkaa noolaha kale ee ay deriska yihiin oo innala nool, guryaha innala deggan oo wax innala cunta. Waa Bisadda oo iyadu innooga waxtar yar Eyga, haddana aan u oggolnahay guryaheenna, cunto iyo cabbisna innaga hesha, kol aynu siinno, kol ay innaga boobto iyo kol ay innaga xaddaba. Sida Eyga uma ciqaabno maxaa yeelay waynu oggolnahay.
Eygii wuu ooyayaa, wuu ilmaynayaa. Wuxu garan laayahay godobta uu innaga galay iyo waxa uu ku galabsaday ciqaabtaas. Haddii faa’iidadiisa aynu arki waynay isaga oo diyaar innoo ah sababta aan u ciqaabayno ayuu garan laayahay. Cunto ma siinno, biyo ma siino, hoy u gaar ah ma leh, guryaheenna uma oggolin, haddana wuu nool yahay. Iyaba waa naxariista Eebbe oo uu meel kale ka helay.
Kolka tarantiisu badato ee uu magaalooyinkeenna ku bato ciqaab wadareed baynu saarnaa. Waynu sumaynaa ama xabbad baa lala dhacaa. Hadda ogow Eydaa waxa ku jirta hooyo ilmo yaryar dhashay oo nuujisa. Waxa ku jira qaar xanuunsanaya. Waxa uu leeyahay inta aadamaha in le’eg.
Waxa Diintu innoo sheegtay gabadh Ey sharaabaadkeeda ku waraabisay oo jannada ku gashay, gabahdaashi aadami uun bay ahayde muslin iyo gaal mid ay ahayd la innooma sheegin haddana waa taa Ey ay waraabisay ku janno gashay. Waxa kale oo diintu innoo sheegtay sadaqo ta ugu wanaagsani inay tahay u naxariisashada beer qoyan…waa noolaha oo dhan.
Haddaba, haddii aynu ka faa’iidaysan kari weynay kartida iyo waxtarka Eyga, naxariistii xaggey innaga martay? Haddaba in kasta oo naxariistu markasta furantahay, naxariista dhexdeennu isku naxariisanno innoo furnatahay, ta noolaha kale aan u naxariisannaa innoo furnathay, ta Eebbe innoo naxariistaa innoo furantahay, haddana qoraalkani wuxu ku soo beegmayaa badhtamaha bisha Ramadaan. Ha i odhan tobankii naxariistu way dhammaadeen. Ha i odhan dadkii baa baahan oo aad Ey ka hadlaysaa. Ha i odhan Ey looma naxariisto. Dawladda xil baa ka saaran, dadka xil baa ka saaran, inta aqoonta lehna xil gaar ah baa ka sii saaran. War hooy ugu yaraan wacyigelinta ha lagu daro oo Wasaaradda Deegaanku qorshaha iyo miisaaniyadda ha ku darsato, dawladaha hoose hoy, cunto iyo biyo ha u qoondeeyaan. Fursaddaa naxariiseed ha laga faaiidaysto. Anna wacyigelinta intan baan ku darsanayaa.
Noolahan caddilanee
Ifka lagu ciqaabee
Cid waliba u darantahay
Ee ubadku ceydhsado
Carruuruhu ku dheelaan
Ee dhagaxa culusiyo
Lala eegto caaggaba
Isagoon cidnaba dhibin
La ciqaabay keligii
Eygu waa caddilanyahay
Mana helo cuntiyo hooy
Biyo cunaha qooyiyo
Cabitaan warkii daa
Cidladuu u hoydaa
Cabsi buu ku seexdaa
Baabuurta carartaa
Cagahay ka jiidhaan
Curyaan noqoy dhammaantii
Eygu caynadduu yahay
Casharrada kitaabkiyo
Diintu way caddaysee
Culimadu ma eegaan
Cilmi kuma ilaashaan
Caammona warkeed daa
Cadkii iyo baruurtii
Kolkaan cuurtay keligay
Isna culuqa gaajada
Keligii caddibanyahay
Ciil buu qabaa weyn
Wuu arkaa cadaawaha
Wuu ka caagay noloshii
Cishaduu nabisga heli
Wuu cad goosan doonaa
Hadda caynkan uu yahay
In la ii ciqaabaan
Caliyow ka baqayaa
Bal car maanta oo qudha
Ramadaantan curatee
Naxariista lagu culay
Cunto maw yaboohnaa
Gaar maw casuunnaa?
F.G. Maansadu halkan kuma dhamma.